Dec 6, 2012 (QOL) Wafdi
uu hogaaminaayo Madaxa Hogaanka Abaabulka & Arimaha
Bulshada iyo A Jabhadda Wadiniga Xoreynta Ogaadeenya (JWXO)
Mudane Sheikh Maxamed Cabdi Yaasin (Diiranae) dhawaanahanba
ku sugnaa wadanka Koonfur Afrika ayaa maanta ka dagay garoonka
diyaaradaha Magaalada Port Elizabeth ee xarunta Gobolka
Eastern Cape islamarkaana ah xarunta Jaaliyada Ogaadeenyab
ee Koonfunta Afrika.

\Masúulka oo siheer sare ah wadankaas
loogu qaabilayay waxaa safarkiisa PE ku wehelinayay Magaalada
Johannesburg kaga hor tagay Madaxa Hogaanka Abaabulka &
Arimaha Bulshada ee Jaaliyada Ogaadeenya ee Koonfun Afrika
Halgame Daahir Axmed ( Korneyl Cadde), wafdigan waxaa si
wanaagsan u soo dhaweeyay Mas'uuliyiin ka tirsan Jaaliyada
Ogaadeenya oo uu horkacaayay Gudoomiyaha Jaaliyada Ogaadeenya
Halgame Bashiir Muxumed.

Mudane Sheikh Maxamed Cabdi Yaasiin (Diirane) ayaa shirar
waa weyn ku qabtay Magaalooyinka Johannesburg, Pretoria
& Magaalooyin kale oo wadanka Koonfur Afrika ka mida
ah, Masúulka ayaa shirkiisa ugu horeeya ku qaban
doona Magaalada Uitenhage Maalinta Jumcaha oo barito ah
07/12/12 waxaana la rajaynaya inay dad badani kafaa'iidaysan
doonaan.

Mudane Sheikha Diirane ayaa ah rug cadaa ku xeel dheer
arimaha guud ahaan Geeska Afrika gaar ahaan Ogaadeenya waana
waayo arag goob joog ka ahaa 3 dii Halgan ee qori isu dhiibka
ahaa ee dhamaantood xoraynta Ogaadeenya loo abuuray halgamadaas
oo uu ugu dambeeyayay uguna facweynyahay midkamaanta socda
ee ay JWXO majaraha u hayso sheikhuna uu Mas'uuliyiinta
ugu saraysakamid yahay.

Shirarka uu Mudane Sheikh Diirane qaban doono wararkeena
dambe kala soco hana ka dheeraanin Qorahay Media oo marwalba
warar hufan kaa haqab turaysa.
Khayr iyo Barako
Qorahay Media
PE, Koonfur Afrika
qorahay99@yahoo.com