Dec 6, 2012 (QOL)
Bam gacmeed lagu weerar askari Ciidamada Dowladda Soomaaliya
katirsan ayaa ka dhacay meel ku dhaw goob Dukaamada Dahablaha
ee gudaha Suuqa Bakaaraha waxaana inta la ogyahay ku geeriyooday
2 qof oo rayad ah waxaana dhaawac uu la soo gaaray in ka
badan 10 kale kuwaas oo loo Hosptaalada kuyaala magaalada
Mqudisho.
Taliyaha Ciidanka amaanka Suuqa Bakaaraha
Maxamed Sokor ayaa sheegay in ay jiraan kooxo hubaysan oo
wali ku dhax dhuumanaya ganacsatada waxna ay ka qabandoonaan
maalmaha soo socda sida uu hadalka u dhigay, Bakaaraha waa
suuqa ugu weyn dalka Soomaaliya waxaana maalmihii la soo
dhaafay isa soo tarayay soo laabashada ganacsiga suuqa uu
caanka ku ahaa maadaama muddo ay saamayn ku yeelatay dagaalo
suuqqa horay uga dhacay
Qorahay Media
qorahay99@yahoo.com