Wiilashii Ahmed Sheikh gurigiisa laga kaxaystay oo Jigjiga lageeyay & Masúuliyiinta xukuumada Itoobiya ugu saraysa oo falkaas isku maan dhaafsan.

Dec 6, 2012 (QOL) Sidaanu war hore ku sheegnay Ahmed Sheikh oo baryahan dambe la hadal hayay lanasheegayo in uu jiro qorshe lagu doonayo in uu Abdi Iley (Ubo) xilka wakiilnimadagumaysiga kala wareegayo ayaa xalay guri uu Addis Ababa kadaganyahay la weeraray,weerarkaas xiliga laqaaday ayuu Ahmed Sheikh guriga kamaqnaa waxaana fuliyay ciidamoTigree ah islamarkaasna waxaa qorshaha weerarkaasiska kaashaday soona abaabulay SaraakiilTigree ah & Abdi Ubo.

Weerarkaas waxaa lagu waxyeeleeyay jidh dilna loogu gaystay xaaska Ahmed Sheikh & laba wiil oo dhalin yaro ah oo xaafada markaas ku sugnaa, handadaad, argagixin & jidh dilfarobadan kadib labadii wiilayaa halkaas laga afduubtay waxaana lasheegayaa xabsiga Jeel Ogaadeen ee Magaalada Jigjiga in la geeyay iyagoo aad u liita.

Wararka falkan la xidhiidha waxay intaas ku darayaan in uu xukuumada gumaysiga buuq arinkaas ku saabsani ka dhex aloosanyahay isla markaasna ay ku kala jabeen madaxda xukuumadagumaysiga, sida ay wararku nagu soogaadheen Hailemariam Desalegn oo isagu Abdi Ubo kaxiisodhacay ayaa Ahmed Sheikh wata halka ay Abdi Ubo Saraakiisha Tigreega ee gudaha Ogaadeenya ku sugani aad u difaacayaan.

Malama saadaalin karo siuu xaalku ku dambayn doono balse ilo xog ogaal ah ayaa tibaaxay in xaaladu ay cirka ku shareerantahay nidaamka maamulka gumaysiguna uu xiligan khalkhal ku jiro, Saraakiisha Tigreega ee shacabka Ogaadeenya ku dulnool ayaa meel adag iska taagay badalaada lasheegayo in Abdi Ubo lala maaganyahay waxaana qaar Saraakiishaas ka mid ah laga soo xigtay in aysan xukuumadoodu waxtalaabo ah oo arintaas ku saabsan qaadikarin hadii ay taasu dhacdana ay dagaal kaxigaan.

Isku soo wada duuboo Saraakiisha gumaysiga Tigreega ayaa kacabsi qaba hadii Abdi Ubo la badalo in ay qolada in ay banaanka imaan doonaan waxyaalo badan oo hadda dadan qaadi waxayna filayaan isbadal kasta oo wakiilada gumaysiga ku yimaadaa in uu danaha tigreega ee Ogaadeenya ku wajahan dib u dhac ku yahay.

Arimahaas & guud ahaan xaaladaha kaladuwan ee Ogaadeenya quseeya wararkeena dambe kaga bogo.
Qorahay Media.

Qorahay Media
qorahay99@yahoo.com
 

   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online