Dec 6, 2012 (QOL)
Chelsea oo xalay Nus dar`san goolal ah ku xasuuqday kooxda
Nordsjealandee ka socotay dalka Denmark ayaanan natiijadaasi
waxba u soo kordhin, waxaana ay ka hartay koobka Champions
League-ga oo ay marki ugu horreysay ku guuleystay xilli
ciyaareedki sanadkii hore.

Chelsea ayaa laga dhigay rigooro daqiiqadii
31-aad ee qaybti hore ee cayaarta, marki daafaceeda Gary
Cahil uu gacanta ku taabtay kubadda, lakin rigooradaasi
waxaa badbaadiyay goolhayaha kooxda Peter Cech oo xalay
hogaaminayay kooxda.
Wax ka yar saddex daqiiqado kadib ayaa Chelsea
waxa ay heshay gool ku laad ama Rigooro, marki kooxda Nordsjealand
ay iyana gacanta ku taabteen, waxaana rigooradaasi tuuray
Eden Hazard, hase yeeshee gool haye Hansen ayaa ka badbaadiyay
markiisa.
4 daqiiqo kadib Chelsea ayaa heshay rigooradi
labaad marki ciyaaryahanka labmarka 10-aad ee kooxda Nordsjealand
uu gacanta ku taabtay kubad uu xeerada ganaaxa ka dhex gamay
Jauna Mata, waxaana rigooradaasi usoo istaagay islamarkaana
dhaliyay daafaca ku badda ku dagaalama ee David Luiz daqiiqadi
38-aad.
Fernando Torres ayaa Chelsea u sahlay inay
nuski saaca ee hore ku nasato,iyadoo hogaanka ku heyso,
marki uu u dhaliyay gool daqiiqadi 45-aad. Marki la isku
soo laabtay nuski saaca ee danbe ayaa kooxda martida ahayd
ee Nordsjealand ay heshay gool, waxaana u dhaliyay ciyaaryahankeeda
Joshua John daqiiqadii 46-aad hayeeshee Cahil ayaa Chelsea
u dhaliyay goolka saddexaad, daqiiqadii 51-aad iyadoo Fernando
Torres uu 5 daqiiqo kadib na goolki afaraad dhaliyay
Oscer iyo Jauna Mata ayaa u kala dhaliyay
labada gool ee kale kooxda Chelsea,iyadoo cayaartu ay kusoo
dhamaatay 6-1 Chelsea ayaa sidaan waxa ay ku noqoneysaa
kooxdi ugu horreysay ee ku harta wareegga Grpoup-yada,iyadoo
heysata ama difaacaneysa koobka Champions League-ga, waxaana
ay haatan aadeysaa oo ay ka cayaari doontaa koobka Europa
League.
Chelsea ayaa haatan ka awood yar xilli ciyaareedki
hore, waxaana guuldarrooyinka xilli ciyaareedkan lagu tilmaamayaa
inay sabab u tahay gooldhaliye wanaagsan oo aysan heysan,
dhinaca kalena kooxda Juventus ayaa u soo gudubtay wareegga
16-ka ee Champions League-ga marki ay hal iyo waxba kaga
adkaadeen kooxda reer Ukrain ee Shakhtar Donetsk.
Goolka ay ku badisay kooxda martida ahayd
ee Juventus waxa uu ahaa mid ay si qaldan isaga dhaliyeeen
kooxda Shakhtar Donetsk, waxaana Group-ka E, kasoo baxay
kooxaha Shakhtar Donetsk iyo Juventus.
Group- F, waxaa kasoo baxay kooxaha Bayern Munich iyo Valencia,
oo guulo ka kala gaaray kooxaha Lille iyo BATE Borisov.
Bayern Munich ayaa 4-1 ugu awood sheegatay
kooxda ka socotay dalka Russia ee BATE Borisov, halka kooxda
Valencia ay si diqi ah hal iyo waxba kaga badisay kooxda
reer France ee Lille Group G, waxaa kasoo gudbay kooxaha
Barcelona iyo Celtic, Barcelona oo kal hore xaqiijisatay
wareegga 16-ka ayaa xalay barbaro gool la,aan ah la gashay
kooxda reer Portugal ee Benfica, halka kooxda Celtic ay
2-1 isaga reebtay kooxda ugu hooseysay Group-kan G, ee Spartak
Moscow oo ka socotay dalka Russia.
Celtic waxa ay sidaasi ugu gudubtay wareegga 16-ka.
Group H, ayaa waxaa ka soo baxay kooxaha Manchester
United iyo Gatalasaray Kooxda Gatalasaray ayaa hal iyo waxba
kaga adkaatay kooxda Manchester United oo ay marti ugu ahayd
garoonka Old Trafford, waxaana ay guushaasi u sahay inay
iska xaadiriso wareegga 16-ka, halka kooxda Manchester United
ay mar hore xaqiijisatay, maamada aysan waxba u dhimin guuldarradi
xalay soo gaartay.
Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa
xalay dhaawac kasoo gaaray cayaarti ay kooxdisa barbaraha
gool la'aanta la dhaafi weyday kooxda Benfica Messi ayaa
garoonka looga saaray bareelo, marki uu dhaawac kasoo gaaray
jilibka bidix, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaa in
dhaawaca Messi uusan ahayn mid daran.
Kooxda Barca ayaa sheegtay inay baaritaano
dheeraad ah ku sameyn doonaan dhaawaca soo gaaray xididooda
Messi, waxaana ay tilmaameen inuusan weyneyn nabarka soo
gaaray Messi Dhaawaca soo gaaray ciyaaryahan Messi ayaa
marki hore laga cabsi qabay inuu ahaa jab, maadama garoonka
looga saaray bareelo.
Laacibkan reer Argentina ayaa waxaa hal gool
kaga xiga inuu jabiyo rigoor uu sameeyay Gerd Mulleir 1972-ki,
waxaana uu heystaa afar kulan oo uu ku dhalin karo, lakin
hadi baaritaanada lagu sameynayo dhaawiciisa uu qaato todobaadyo
waxaa laga yaabaa inay saameyso,.
Ugu dambeyntiina kooxda hantiilayaasha carbeed
ee Manchester City ayaa doonaya weeraryahanka awoodda badan
ee kooxda P.S.G Slatan Ibrahimovic Macalinka kooxda Man.City
Roberto Mancini ayaa sheegay in bisha janaayo ay dalab u
dirsan doonaan kooxda lacagta badan ee P.S.G si ay u weydiistaan
ciyaaryahankooda Ibrahimovic Mancini ayaa laacibkan reer
Sweden ee Ibrahimovic u arka inuu ka caawin kara guuldarrooyinka
kasoo gaara cayaaraha Champions League-ga.
Isku soo wada duuboo isku aadka Champions
League-ga Ayaa waxa la isku aadin doonaa kooxa u soo baxay
wareega labaad Maalinta Jimcaha ah.
Qorahay Media
qorahay99@yahoo.com