Dec 6, 2012 (QOL)
Dhaammaan Jaliyadda Ogaadeenya ee ee ku sugan Waddanka Koonfur
Afrika gaar ahaan xarunta JOKA ee Port Elizbeth iyo nawaa
xigeeda waxaa laogaysiinayaa in uu jiro shir aad u heer
sareeya oo ka dhici doona xaafadda Uitenhage ee Magaalada
P E.
Shirka
waxaa marti innoogu ah Madaxa Hogaanka Abaabulka & Arimaha
Bulshada ee Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya (JWXO)
Halgame Sheikh Maxamed Cabdi Yaasiin (Diirane) oo aad looga
faíidaysan doono.
Shirka waxaa diirada lagu saari doonaa qodobo
door ah waxaana xusid mudan inhawlwadeenada JOKA ay qaadan
doonaan Siminaar sare loogu qaadayo tayadooda iyo hababka
loola falgalo cadawga, waxaan meesha ka maqnayn suugaan
halgameed uu diyaar idiinla yahay Abwaanka can ka ah ee
Khadar oo Curiyay gabayo iyo maansooyin cusub aad u xiiso
badan.
Hadaba Xubnaha JOKA waxaa lagu adkaynayaa
laguna dhiiri galinayaa in aysan fudaydsan kana faa’iidaystaan
fursadan dahabiga ah ee ay nasiibka u heleen, shirku wuxuu
ka dhacayaa Centeral Uitenhage Mouthhall oo ku yaala Dukaanka
weyn ee Shoprite dhabarkiisa.
Date 07/12/2012 maalinta jumca ah
Time 10:00 am subaxnimo
ka soo qaybgal wanaagsan
Xafiiska Gudoonka Jaliyadda Ogaadeenya ee Konfur Africa.