Golaha Wasiirada Dowlada dhexe ee Soomaaliya oo maanta kulan aan caadi ahayn isugu yimid arrimo badan oo muhiim ahna ka hadlay.

Dec 7, 2012 (QOL) Xubnaha Golaha Wasiirada Dowlada dhexe ee Soomaaliya ayaa maanta kulan aan caadi ahayn ku yeeshay Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya.

Kulankan oo uu shir gudoominayay sida aan warka ku helay Raisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon ( Saacid ) ayaa waxaa kasoo qayb galay dhamaan xubnaha golaha wasiirada intooda haatan dalka kusugan, waxaana lagaga hadlay kulanka arrimo ay kamid ahaayeen Ammaanka Magaalada Muqdisho iyo sidii loo sugi lahaa, kaganacsiga qalabka Ciidamada, sida Dirayska iyo hubka iyo kuwo kale oo muhiim ah.

Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo ah Wasiirka Khayraadka dalka ayaa kulanka kadib mar uu Saxaafada la hadlayay waxa uu yidhi " Maanta waxii kabilowda golaha wasiirada Soomaaliyeed waxay si buuxda u mamnuucayaan in laga ganacsado Dirayska Ciidanka iyo qalabka ay isticmaalaan, sida gaadiidka iyo hubka, qofkii lagu arko isagoo amarka wasiirada kasoo baxay jabinayana talaabo cad ayaa laga qaadi doonaa hadii Alle Idmo"

Waxaa kale oo sida lasheegayo ay Xubnahii kulanka isugu yimid go'aamiyeen in la magacaabo guddi 5 wasiir ka kooban oo ka shaqayn doona sidii ay ganacsatada Soomaaliyeed ee dhoofinaya xoolaha nool ugu fududayn lahaayeen hawlahooda shaqo.

Gudigaas la magacaabi doono ayaa waxaa kamid ah Jeermaanka guddida oo noqdoona Wasiirka Khayraadka dalka Mudane C_risaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Arrimaha gudaha iyo amniga qaranka,
Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka hawlaha guud iyo Wasiirka ganacsiga.

Isu wada keenoo gabagabadii kulanka maanta golaha wasiiradu ku yeeshee Magaalada Muqdisho kadib ayaa Wasiirka Khayraadka dalka oo saxaafada lahadlay waxa uu sheegay in Wasiirada Soomaaliya isla garteen in si deg-deg ah wax looga qabto Ammaanka Magaalada Muqdisho isla markaasna talaabo adag laga qaado cid walba oo lagu arko iyadoo ka ganacsanaysa qalabka Ciidanka, sida Dirayska iyo hubka, hase yeeshee iyadoo aad moodo inay si isdaba joog ah amaro usoo rogayaan Wasiirada cusub ee Soomaaliya ayaa hadana dhanka kale aysan muuqanin cid dhag jalaq u siinaysa amarada wasiirada.

Noor Mohamed
Qorahay Media.....

 

   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online