Dec 7, 2012 (QOL) Sidaad
maalmahanba la socoteen waxaa shir aad u qiimo badan isgu
yimid xubunaha joke ee gobolka PE shirkaas oo uu goob joog
ka ahaa Madaxa Hogaanka Abaabulka & Arimaha Bulshada
ee Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya (JWXO) Sheekh
Maxamed Cabdi Yaasiin (Diirane) waxaa isugu yimid xubno
aad u diro badan ee ku sugan gobolka PE.

Shirka waxaa shir gudoon ka ahaa gudoomiyaha
Jaaliyada Ogaadeenya ee Konfur Africa Halagame Bashiir Muxumed
Cabdi wuxuuna sidii caadada inoo ahayad ku soo dhaweeyay
fadiilatun sheekh Shaafi Cabdi Biixi, Sheekha oo aad ugu
nuux nuuxsaday in Ilaahay laga baqo lana siyaadiyo acamaasha
wanaagsan

Kadaib waxaa lagu xijyay heestii calanka oo dadku qiiro
muujiyeen kadaib waxaa warbaahioyaha lagu soo dhaweeyay
Madaxa HAAB ee JWXO Sheekh Diirane Cabdi Yaasiin oo markii
uu warbaahiyaha qabtay halamar mashxarada iyo sawaxan is
qabsaday.

Sheekha Diirane Cabdi Yaasiin ayaa hadalkisii ku furay
wacadi diini ah iyo in uu waajib yahay jihaadka Ogaadeenya
ka socda wuxuuna taabtay tariikhada halaganka sidoo kale
wuxii ka warbixiyay shirkii Miyir-Dabool ee dhawaan ay ku
fashilmeen gumaysiga Ethiopa oo uu tilmaamy in uu ahaa card-kii
ugu dambeeyay ee gumaysiga ka gubtay, warbixino aad muhiim
u ah oo si waadixah u faahfaahsan oo MudaneSheekh Diirane
shirka ka jeediyay ayay dadkii madasha joogay aad ula dheceen.

Waxaa codbaahiyaha lagu soo dhaweeyay Xoghayaha Ururka
OYSU Eastarn Cape halagame Cabadiraxamaan Siciid oo dhawaantan
xilka xafiiska ku wareegay lagana sugaayay in uu soo dhiso
Maamulka OYSU ee Gobolka Eastan Cape wuxuuna soobandhigay
gudiga maamulkiisa oo 6 xubnood ka kooban kuwaas oo kala
ah.

1 Cabdiqani Wadaad Yare
2 Cabdulaahi Xaaji Cabdi (Khayr iyo barako )
3 Maxamed Xayi
4 Shaafi Cali Muxmed
5 Maxamed Yare Cabdulaahi Cilmi
6 Nimcaan Axmed Cali
kadib waxaa shirka isna ka hadalay Hogaanka HAAB ee South
Africa Halagame Daahir Axamad Sulub (Kornayal Cade)

Kadib waxaa shirka lagu soo gabogbeeyay gabayo uu tiriyay
Abawaan Khadar Colaad waxaana dhawaan uu qaban doonaa Madaxa
HAAB Seekh Diirane Cabdi Yaasiin shirar uu kula kulmi doono
shacabka Ogaadeenya & guudahaan umadda Somaliyeed Gobolka
Eastarn Cape ku dhaqan hadaba haka agfogaanin Qorahay Media
oo goob joog ka ah talaabo kasata oo la qaadayo
Khayr iyo barako
Qorahay Media
PE, South Africa
qorahay99@yahoo.com