Gudiga Qaxootiga Ogaadeenya tababaro & siminaaro ay Jaaliyada Magaalada Sanca ugu qabtay xaflad qurux badan ku soo xidhay.

Dec 7, 2012 (QOL) Hay'ada qoxootiga Ogadenia ee dalka Yemen Sana'a ayaaa todobaadyadii la soo dhaafay waday dhaqdhaqaaqyo shaqo, Siminaaro isdaba joog ah iyo tababaro gaar ahaan leadership (hogaaminta) laga soo bilaabo bishii November 2012 dhexdeedii waxaa soconayay Siminaaro ay kaqayb galayeen gudiga Qoxootiga Ogadenia iyo kaadarka Jaaliyada ee Yemen -Sana'a.

Waxaa tababaro qaatay qaybaha kaladuwan ee Jaaliyada waxaana shahaadooyin l gudoon siiyay xubnihii ka qaybqaatay tababaradaas tababaradaas waxaa iska kaashday Hay'adaha la shaqeeya UNHCR iyo Hay'ada Qoxootiga Ogadenia.

Gudiga Qoxootiga Somalida ogadenia waxay qaybiyeen bayaan ay kaga warbixinayeen dhibaatooyinka iyo tacadiyada loo gaysto shacbiga Somalida Ogadenia ee birimagayda ah tacadiyadaas oo ay ka mid ahayd uguna xanuun badanayd shir ku sheegii Jigjiga kasocday ee Miyir-Dabool lamagac baxay ee dadka masaakiinta ah ee aan is difaaci karin sida badheedhka ah loogu gabood looguna gaystay waxaan taariikhda horay u dhicin oobahdilaad ah.

Gudiga Qoxootiga Ogadina ayaa iyaguna tababaradaaskuwo la mid ah qaatay kana fa'iidaystay waxaana tababarka gudiga Qaxootiga Ogadenia gacan weyn ka gaysatay kana caawisay Hay'ada Save the Chlidren waxaana tababarkaas bixinayay xubno ka socday wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee Dalka Yemen kaas oo lagaga hadlayay sidii loo ilaalin lahaa caruurta waxkabarata schoolda iyo kuwa aan dhiganin sidii loo siin lahaa fursad ay wax ku bartaan.

Tababaradaas kadib waxaa guudahaan siminaxidhay bandhig faneed dhaqanka & hidaha guunka ah ee Ogadenia ka turjumaysay, xaflad dhaqameedkaas oo aad uqiima badanayd waxaa iyana maal galisay Hay'da INTERSOSS waxaan iskusoo duba riday gudiga qoxootiga Somalida Ogadenia iyo maamulka Jaaliyada oo iskaashanday waxaana tababaradaas & xafladii lagu soo xidhayba lagu qabtay wasaarada Thaqaafada ee Yemen.

Munaasabadaas waxaa soo gabagabeeyay Koocxda Fanka Ogadenia ee Horseed oo amdashaasawcadro aad u xiiso badan ka muujiyay kuna faro yaraystay suugaanta noocyadeedakala duwan aadkana loo jecelyahay.

Qorahay Media
q orahay99@yahoo.com

 

   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online