Dec 7, 2012 (QOL)
Mahad oo dhan Allah ayeey u sugnaatay-Naxariis iyo nabadgelyoSuubane
Rasuulkeena Muxamed CSW korkiisa,masuuliyada ayaa ah amaano
culeeyskeeda leh basharkana lagu imtixaamaayo sida
eey hab cadaalad,xaq soor iyo sinaan leh wax ugu hogaamiyaan
ama xilkaas weyn u gutaan(Cadaalad buuxda Raxmaanka keliyaayaa
leh).
Dhaq-dhaqaaqa
Soomaaliyeed nabada,midnimada iyo cadaaladda codka inta
damiirka,dareenka wadaniyadeed iyo qiiradda nool leh Diintooda
iyo dalkooda Jecel-waxaanu halkan amaan,bogaadin iyo dhiiri-gelinba
uga gudbineeynaa Maamulka KMG ah Kismaayo oo mudadan yar
ka dhisnaa muujiyeey adaal,karti,masuuliyad iyo hab hufnaantiisa
leh taasoo la qiray in kismaayo noqotay magaalada ugu nabadgelyo
iyo xasilooni wanaagsan guud ahaanba degaamada ama magaalooyinka
waaweyn ee koonfurta Somalia,waa guul farxadeeda leh(Allah
mahad leh) inkastoo warbaahinta cuqdadeeysan warar been
ah iyo dacaayad joogto ah iyo abuurida waxyaabo aan jirin-Sidda:-
XasaradTV(Ex-UnuversalTV)shabeele.net hooyga qabyaalada,been
sheegida iyo kala fogeeynta somaalida oo ka duulaaya aragtida
lunsan ee kooxdda Midnimo iyo Federaal diidka.
http://youtu.be/YgPQRlrfOB8
Waxaanu si diiran u soo dhoweeyneynaa habka wanaagsan Islaanimada
ku saleeysan oo Maamulka KMG ah u qeybiyeen kaalmadii gargaarka
ahaa oo dhowaan magaaladda Kismaayo la gaarsiiyeey looguna
talo galay dadka saboolka(Masaakiinta) runtii waxaa farxadeeda
leh habka hufnaanta iyo amaanadda leh oo kaalmadaas qiimaheedda
laheyd loo gaarsiiyeey qoysaska dan-yarta ah, anagoo ka
codasneeyna hey'adaha Samafalka heer caalami iyo kuwo wadaniga
ah in eey dadaalkooda laban- laabaan,sidoo kale waxaanu
halkan baaq uga direeynaa Jaaliyadda asal ahaan ka soo jeeda
degaamada Jubbaland meel aduunyada ka jooganba in eey gartaan
isla markaana gutaan masuuliyadda dadkooda,dhulkooda iyo
aayo ka tashigoodaba qadiyadoodaba mudnaanta koowaad siiyaan
adkeeynta midnimadooda iyo wada jirkooda iyo u hiil bixida
dhulkooda.
Gunaanadka qormadan kooban waxaanu ku adkeeyneeynaa Maamulka
KMG Kismaayo,Gudigga farsamadda,xoogga amaanka,ciidanka
xoogga Dalka iyo kuwo Amisonba in eey wada shaqeeyntooda
iyo iskaashigooda hanaan wanaagiisa leh ku dadaalaan xoojintiisa
iyo sugidda amaanka Kismaayo iyo degaamada ku xeeranba xiligan
oo howlihii qabanqaabada Shir-weynta Jubbaland meel gabo-gabo
ah maraaya ergooyinkii,martdii, joob-joogayaashii,bahdii
warbaahinta iyo saxaafada la filaayo in eey
waqti dhoow halkaas soo gaaraan(2-dan asbuuc) si weyna isha
loogun hayo shir-weynahaas iyo dhismaha ama curashadda Maamulka
J/Land oo hadii Allah idmo noqon doona mid tusaale wanaagsan
laga qaato hadii eey noqon laheyd( habka midnimada beelaha,cadaalada,xaq
soorka iyo xeerinta walaalnimadda iyo degaanka wadaagaba).
-Ustaad-Xassan C/Laahi Sh.Maxamed(Xassan Carab)-
-sharifhassan50@hotmail.co.uk
-Dec-07-2012.