Dec 7, 2012 (QOL)
Xildhibaan Mohamed Ismacil Shuriye oo ka mid ah mudaneyaasha
Barlamaanka Somaliya kana soo jeeda Gobolada Jubooyinka
ayaa sheegay in laga faafiyay hadalo been abuur ah oo aan
sal & raad tooona lahayn, Xildhibaanka oo Warbaahinta
Qorahay la soo xidhiidhay ayaa cadeeyay in eedaymo loo jeediyay
ay yihiin kuwo aan qabanin isla markaasna aysan waxaba ka
jirin.
Xildhibaan
Mudane M Shuriye wuxuu ka mid yahay xildhibaanada tirada
yar balse tayada leh ee Gobolada Jubooyinka u dhashay sidoo
kale wuxuu ka mid yahay shaqsiyaadka sida buuxda dadka Jubooyinka
u matala, hadaba Mudane M Shuriye wuxuu sheegay in ay warbaahinta
Af-Soomaliga ku hadasha qaar ka mi ah ku been abuuratay
isla markaasna lagu tilmamay in uu Jubada Hoose oo kali
ah daneeyo isla markaasna uusan Gobolada kale ee Jubaland
u laab furnay.
Xildhibaanku wuxuu cadeeyay in aysan waxba
ka jirin isagoo intaas raaciyay in dhamaan Gobolada Jubaland
ay Gobolada kale ee Soomaliya uu horu markooda isku si u
jecelyahay, waxa kale oo xildhibaanku uu sheegay in uu siweyn
u aaminsanyahay dastuurka dalka u yaala & waxa uu ka
qabo Maamul Goboleedyada wuxuuna sheegay in uu rumaysanyahay
in dadka deegaanadda Jubbooyinka ay aayahooda ka tashadaan
xaqna ay u leeyihiin wax kasta oo Gobolada kale ee dalku
axq u yeeshaan.
Xildhibaanka oo dalka Kenya haatan ku sugan
ayaa Magaalada Nairobi si weyn loogu soo dhaweeyey wuxuuna
kulmo la yeeshay dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada
wuxuuna noqday xildhibaankii ugu horeeyey ee bulshada Juboland
qaybaheeda kala duwan la kulmay xiligan oo ay jirto xamaasad
Maamul usamaynta Gobolada Juboyinka la xidhiidha wuxuuna
xildhibaanku bulshada uu kulamada layeeshay ku biiriyay
talooyin & xogo aad muhiim u ah oo ay Dawalad uga baahanyihiin.
Si kastaba ha ahaatee Xildhibaan Shuuriye
wuxuu sheegay in uu yahay xildhibaan Soomaaliyeed una taagan
danaha guud ahaan shacabka Soomaaliyeed si aad ahana uu
ugu adeegi doono wuxuuna intaas raaciyay in uu shacabka
Jubaland horumarotooda si weyn diyaar ugu yahay.
Qorahay Media
qorahay99@yahoo.com