Cambaarayn qaraxii xalay Masjidka Al-hidaaya ee Xaafada Islii lala beegsaday.

Dec 8, 2012 (QOL) Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed nabada,midnimada iyo cadaaladda codka,damiirka iyo caqliga wadaniyiinta Diintooda,dalkooda iyo Dadkoodaba jaceyl-Waxaanu halkan canbaareeyn culeeyskeeda leh uga soo gudbineeynaa cidii geeysatay,ka dameeysay ama wax qorshe ah ku laheyd qaraxii naxdiintiisa lahaa oo caawa 07-dec-2012 Masaajidka Hidaaya lala eegtay xili dadkii salaadii cishaha ka soo
baxeen,waxaana dadkaas ka mid ah Xildhibaan Yuusuf Xassan Cabdi oo laga soo doorto degaanka Kaamakunji Neyroobi oo Islii ka tirsan tahay.

Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed oo ah difaacaha xuquuqda,xurmadda iyo karaamada muwaadiinka Somaliyeed waxaanu falkaas u aragnaa mid ka baxsan hab dhaqameedka Islaanimadda iyo curfiga caalamka waana fal dembiyeed cidii ka dameeysay gacan ku dhiiglayaal yihiin si toos ah loogu beegsanaayeey Halyeey-xildhibaan Yuusuf Xassan oo ah shakhsi karti,daacadnimo,dadaal badan,aqoon sarre iyo dhaqan wanaag iyo geesinimoba leh una metelada degaankaas sida ku haboon codkoodana si dhab ah u gudbiya,waxaan oran karaa falkaasu waa mid qorshe siyaasadeed,naceeyb Isireed iyo cadoownimo loo qabo dadka Somaaliyeed oo sida weyn uga muuqday saaxadda siyaasada Dalalka Geeska afrika gaar ahaan Kenya iyo heer sarre oo somaalida Islii ka gaareen ganacsiga iyo culeeyska maanta codkoodu leeyahay.

Wxaaanu Allah ka tuugeeynaa intii falkaas cadoownimo ku dhimatay Janadii ka waraabiyo,dhaawaca ka kiciyo(Caafimaad Buuxa)Xildhibaan Halyeey-Yuusuf inshaa Allah sida ugu dhakhsaha badan howshiisa ugu
soo laaban doorashadana ku guuleeysan,Waxaanu ku boorineeynaa Dadka Somaaliyeed xaafadaas ku dhaqan in eey sida ku haboon uga qeyb qaataan doorashada codkoodana siiyaan Xildhibaan-Yuusuf
intooda Sharciga Dalkaas leh,intii kale oo awoodaana dhanka Ololaha kaalintooda ciyaaraan.


-Ustaad-Xassan C/Laahi Sh.Maxamed(Xassan Carab)-
-Afhayeenka Guud:-Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed
-Nabadda,Midnimadda Iyo Cadaaladda.
-Dec-07-2012.

 

   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online