Ciidamada dowladda Soomaaliya oo Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelada Dhexe ku sii siqaya.

Dec 8, 2012 (QOL) Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada Soomaalida iyo kuwa Amisom ee ay ku wajahanyihiin magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelada Dhexe saacadaha soo socda waxa ayna sheegeen in ciidamada dowlada Soomaaliya ay hadda kaabiga ku hayaan controlka Congo oo meel ku dhaw halka magaalada laga galo.

Jen: Saneey ayaa sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay hadda cidna ka hortaagnayn magaalada laakiin ay sugayaan amar kayimaadaan madaxda dowladda Soomaaliya ciidamadana ay hadda heegan buuxa ay kujiraan.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxa ay kusugnaayeen goobo ku dahw dhaw Qalimow iyo Garsaale waxaana ciidamada ay horay ula soo wareegeen magaalada Balcad oo kamida degmooyinka gobolka Shabeelada Dhexe.

Qorahay Media
qorahay99@yahoo.com

 

   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online