Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho

Dec 8, 2012 (QOL) Wafdi uu hugaaminayo madaxwaynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuiud ayaa dib ugu soo laabtay dalka kadib booqasho rasmi ah oo uu ku tagay dalka Turkiga halkaasi oo uu kulamo kula sooqaatay madaxda dalkaTurkiga waxa uuna kala soo hadlay arimo ay kamidtahay amaanka dhaqaalaha iyo taageerada dowlada Soomaaliya ay u hayso Turkiga.

Madaxwayne Xasan Sheekh yaa kulamo fool kafool ah waxa uu laqaatay madaxwaynaha Turkiga Abdalla Guul iyo ra"iisulwasaaraha Turkiga Ordigaan waxa uuna kala hadlay arimaha Soomaaliya madaxwaynaha ayaa sheegay in guud ahaan waxyaabihii ay kawada hadleen madaxda Turkiga ay ku soo idlaatay guul waxa uuna sheegay in Turkiga ay Soomaaliya ay aad u taageerayaan xilligan.

Madaxwaynaha ayaa si kooban waxa uu ku sheegay in ujeedka safarkiisa uu ku soo dhamaaday guul waxa uuna sheegay in Turkiga uu siiwadi doono taageerada Soomaaliya iyo howlaha gurmadka ah waxa uuna sheegay in heshiisyo wax ku ool ah ay kala saxiixdeen labada dowladood waxaana soomaaliya u saxiixay wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya Cabdixakiin Xaaji Maxamuud Fiqi.

Qorahay Media
qorahay99@yahoo.com

 

   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online