Dec 9, 2012 (QOL)
Doorashadii ururka midaowga dhalinta iyo ardayda ogaadeeniya
unugtiisa Denmark oo maanyta lagu qabtay caasimada wadankaasi
denmark shirka doorashada oo ay daadihinaysay Marwo Najma
Cabdi ayaa waxaa lagu oogu horaynba waxaa ay kusoo dhawaysay
Mudane faysal oo Quraan kufuray Kadibna wacdi diina soo
jeediyay- intaa kadib waxaa ay bulshadii madasha kusugnayd
halmar uwada istaageen heestii calanka oo ay siwadajira
uqaadeen, kadibna laguda galay shirkii doorashada oo lagusoo
dhoweeyay Xoghayaha ururka midowga dhalinta iyo ardayda
Ogaadeeniya unugta Denmark- marwo Nasra Sh. cali oo ayadu
sitafa tiran ooga war bixisay wax qabadkii ururka intii
ay hogaanka ururuka haysay, ayadoo isla mar ahaantaana guudmar
ku samaysay maamulka inta xubnood ee uu ka koobanyahay iyo
wax qabadkoodii intay maamulka hayeen guud ahaan-

Maamulka jaaliyada ogaadeeniya ee isla wadanka
denmark ayaa lagusoo dhaweeyay ayagoo udardaar may dhalinta
inay adkeeyaan kaalinta halganka ogaadeeniya ay kaga jiraan---
Fikir iswaydaarsi iyo dood dheer oo dhex martay xubnihii
ururka dhalinta ee madasha kusugnaa kadib waxaa laguda galay
doorashadi ururka oo ladooranayay Xog hayaha ururka waxaana
doorashada u sharaxnaa sadex xubnood oo kala ahaa.

Marwo Bishaaro Cabdiullaahi, Marwo Najma Axmed
iyo mudane CabdiNaasir CabdiNuur---
waxaana ku guulaystay doorashadii Xoghaynta ururka midowga
Dhalinta iyo ardayda ogaadeeniya unugta wadanka Denmark
Mudane CabdiNaasir CabdiNuur. Mudane CabdNaasir waxaa uu
soo dhisanayaa Mudo 2 wiik gudahooda maamulka ururka intiisa
kale.

shirkii doorashada waxuu kusoo gaba gaboobay
guuliyo gobanimo ayadoo lagu kala tagay kulanka maamulka
lagula kala wareegayana uu dhici doono haduu alle idmo Bisha
feebaraayo.

Raamsade Hassan
Qorahay Media
Denmark
qorahay99@yahoo.com