Cafimaaadka Mudane Yuusuf Xasan Cabdi oo ka soo raynaya dhaawicii gaadhay kadib

Dec 9, 2012 (QOL) Xidhibaanka Degmada Kamakunji Yuusuf Xasan Cabdi oo ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmay qarax lala beegtay masaakid ku yaala xaafadda Islii ee Nairobi ayaa haatan xaaladiisa caafimaad la sheegay inay wanaagsan tahay, islamarkaana saaka laga kabay jabniin ka soo gaaray lugta.

Uqaabilsanaha xafiiska Xildhibaanka Kamakunji arimaha bulshada ee Islii Maxamed Ismaaciil Shiine ayaa sheegay in xaaladda Xildhibaanka ay aad u wanaagsan tahay.qaar kamid ah siyaasinta dalka Kenya ayaa booqday Xildhibaanka, madaxdi booqatay waxaa horkacayay madaxweyna kuxigeenka Dalka Kenya Mudane Kalonzo Musyoka, Mudane Faarah Maalim, Mudane Mohamed Cabdi Afey, Adan Bare Duaale iyo wasiirka difaaca dalka kenya Mohamed Yussuf Haji.qaraxi kadib ayaa ciidamo aad u badan xaafada Islii lagu soo daadiyey kuwaas oo wada baaritaan la xarira qaraxii xalay xaafada ka dhacay.

Dadka ku geeriyooday qaraxaas xalay oo tiradooda ay gaartay ilaa 5 qof ayaa maanta lagu aasay magaalada Nairobi.

Dadka Soomaalida ee ku dhaqan xaafda Islii ayaa si wayn uga argagaxay qaraxasi oo ahaa kii ugu horeeyey oo lagu bartilmaamaysado masjid ku yaala xaafada.

Farhan Mohamed
Qorahay media
Frankfurt Germany
qorahay99@yahoo.com

 

   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online