Aljazeera TV oo waraysi la yeehsy Raisul waraaraha gumaysiga Itoobiya waraysigaas oo taabanaya Ogaadeenya, Jubaland & Eriterea.

Dec 9, 2012 (QOL) Maahmaah Somaaliyeed oo Dadka Gobolada konfureed daga eey kumaahmaahaan ayaa waxa eey odhaneeysaa’’Luuq-luuq mare laazim laamiguu yimaadaa’’. Xukumada guunka ah ee Etobiya ayaa waligeedba lagu yaqaanay in eeysan hor iman saxaafada caalamka sababtuna,eey tahay cadaalada darada eey kuheeyso xoriyada Aadamaha iyo xuquuqul-insaanka dafaridiisa.Taasoo udheer caburinta shucuubta kuhoos-nool iyo waliba inta jaarka la ah.

Biyadhaca qormadan ayaa ah mid aan kuqaadaa-dhigi doono, wareeysi xasaasi ah oo lala yeeshay raisul-wasaaraha gumeeysiga Etobiya Hailemariam Deselenge barnaamish Caan ah oo loo yaqaano ’’TALK TO ALJAZEERA’’.oo kabaxa ALJAZEERA TV oo eey daadaheeyneeysay Suxufiyad lagu magacaabo JANE DATON.

Deslenge oo xilka si gumeel-gaadh ah u heeyndoona ilaa iyo 2015ka ayaa waxaa uu mudo 3 bilood hayaa xilka raisul-wasaarenimo.Bilowgii wareeysiga ayaa waxaa uu ahaa mid kubilaamay ; miyaad lahadleeysaa Esias Afawarki madaxeeynaha Eriteria? Haa!waan lahadlayaa.wareeysigan oo taabanayay meelo badan ayaa waxaa uu ahaa qiyaas ahaan mid soconayay ilaa mudo gaadheeysa 30 daqiiqo.

Wareeysigan ayaa waxa uu taabanayay arimo eey kamidyihiin;Macaluusha kajirta Etobiya, Siyaasada,Diimaha iyo Kacdoonada kasoconaya wadanka,Qoowmiyadaha kuhoos nool ,Arimaha Dhul boobka iyo Biyaha wabiga Nile. Hadaan soo koobno wareeysigan taliska qalafsan lalayeeshay ayaan mid mid u eegeeynaa jawaabihii uu kabixiyay raisul-wasaaraha taagta-daran ;Aan kubilaabno arimaha macluusha;
Arimaha Macaluusha: Arimaha macluusha mar wax laga weeydiiyay ayaa waxaa uu yiri waa mid inagu heeysa caqbad culus sababta oo ah ilaa iyo 1984 oo eeynu aheeyn 35,000000 ayaa waxaa eey dhacday macluushii caamka aheeyd marka,hada oo eeynu nahay 90,000000 umamaleeyneeyno in eey howl sahlan noqon kareeyso.Waxaa sua’al laxiriirta laweeydiiyay arintani oo ah maxaad kaleedahay arinta;Si qaldan u isticmaalka Deeqaha Bani-aadamnimo oo aad kaheshaan beesha caalamka?maya majirto ayuu kujwaabay Deselenge taasoo suxufiyadu si cad eey uga muuqatay in eeysan kuqancin jawaabtiisa.

Arimaha Qowmiyadaha iyo kacdoonada Islaamka:Waxaa uu kayiri arimahani waa kuwo kusaleeysan raadinta xukuumad kudhisan diin oo eey raadinayaan dadka loo yaqaano;’’Xabash Islamic doctrine’.taasi oo eey suxufiyadu aad oga gilgaltay iyadoo xustay 100,000 oo Xabshida Islaamka ah eeysan kunacsaneeyn sida xukumadu oola dhaqmeeyso.Waxaa kaloo oo eey raacisay in dad farabadani eey xabsiyada wadanka kabuuxaan kuwo kalena eey kabarkaceen wadanka oo eey gaadheen Dalka Yemen kudhowaad 5,000000 oo barakacayaal?waxuu si sharafxumo kusaleeysan yiri shaqo ayeey u raadsadeen halka,Yemen eey tahay sida aan ogsoonahay wadan qul-qulatooyin eey kajireen in mudo ah.

Arimaha Siyaasada:

Wadahadaladii ONLF iyo Idinka idiin socday maxaa Hakiyay?

Waxaa hakiyay sababa laxiriira arimaha dastuurka Etobiya oo eey diideen Jabhada Wadaniga Xoreeynta Ogaadenya in eey saxiixaan.JANE DATON ayaa tiri soo iyadii markii lafurayay wadahadalka laisku afgartay in shuruud la’an lawada hadlo?Waxaa uu kujaawabay wax caqliga bani-aadamka kafog oo yiri;Jabhad Etobiyan ah oo Dastuurka Etobiya ogol ahaan waa ineeynu u wada hadalnaa.Arintani ayaa ah mida dhalisay in Jabhada Wadaniga xoreeynta ogadeenya eey kadagaalanto oo Halgan Gobonimo-doon ah eey gasho sababay.Etobiya ayaa wax waliba kudayday shacbiga somaalida Ogaadenya oo aan iyagu marnaba ogoleeyn Dastuurka iyo kamid ahaanshaha Etobiya kudhawaad ilaa 100 sano mudo kudhow oo uu gobolka Ogaden ahaa mid halgan qori isku-dhiib ah kasocday.

Rajo maka qabtaan in uu dib u furmo ayeey suxufiyad-JANE DATON weeydiisay?Sida caadada ah Etobiya ayaa marnaba karunsheegin dhabta jirta goobkastoo lajoogo iyo goorkastoo lajoogo.Kadibna si qayaxan isu fashiliyay oo yiri waxaan laheshiinay hada kahor qeeyb iyaga kamid ah hadana,kuwo kamid ah kuwii markii hore ina diiday ayaa hadana wadahadal inoo socda.Waxaa eey u muuqataa in Deslenge uu ola jeedo in tashwiish iyo khilaaf kala-jab keena uu kadhex abuuro Jabhada wadaniga xoreeynta Ogaadenya dhexdeeda. taasoo,uu isleeyahay waa fursad kuu banaan.Balse,Jabhada ayaa ah mid gaadhay biseeyl siyaasadeed oo aan marnaba laga leexin Karin wadada Gobonimodoonka ah oo eey saaranyihiin.

Arimaha Jubbalanad,Somaaliya:

Suxufiyada ayaa weeydiisay maxaad kaleedahay Arimaha Jubbaland iyo Kismaayo?

Waxaa uu yiri arimaha Jubbaland iyo xaalada kismaayo waxaan kala midnahay Dowladaha dariska ah ee IGAD arimahaasna waxaa eey u yaalaan hada Dowlada Federalka ah ee Somaaliya.
Maxaa kajira in Dowlada Kenya eey lasafantahay hal Qabiil oo kali ah arimaha Jubbalanad?
Waxba kama-jiraan weeye arintaasi Kenya hal qabiil lama safna.Heshiisyadii eeynu isku afgaranay ka IGAD ahaan,waxaa eey qorayeen in qabaa’ilada daga Jubbaland oo dhan laga wada qeeyb galiyo qorshaha maamul u sameeynta Jubbaland taasina waa waxa hada howsheedi eey socota oo lagu guda jiro.

Eriteria:
Madaxweeynaha Eriteria miyaad wada hadleeysaan?

Hadaad i weeydiiso miyaad wada hadleeysaan waxaan leeyahay’’Haa’’.
Asias Afawarki waan wada hadleeynaa waxaanan yeelaneeynaa biloow cusub oo hadaad i dhahdid aad Eriterea hadaan aadayaa.Malezenwi boqolaal jeer ayuu kacodsaday in eey wada hadlaan balse,Asias Afawarki ayaa ahaa nin madax-adag.

Arimaha Damka(Biyaha wabiga Nile) ee qarsoodida aad kudhiseeysaan ee jaarka la ah Egypt iyo Sudan miyeesan Degaan ahaan iyo Siyaasad ahaanba u qaldaneeyn?

Maya run ahaantii ma’ahan mid qarsoodi ah arintani waad qubara kuxeel-dheer arimahaasi eey wadaan oo wadama badan kalkala socda.Mana ahan arin sir ah oo wax lawada ogsoonyahay.
2015ka ayuu kuegyahay xilkaaga maxaa taariikh ah oo aad katagi oo laguugu xusuusan doonaa xukunkaaga?
Waxaan rabaa dhaqaalaha inaan wax badan kaqabto oo aan dhiso ganacsiga gaarka looleeyahay si shaqo la’aanta eey usoo afjaranto,dhalinyardana shaqo abuuris loogu sameeyo.

Hailemariam ayaa gabagabadii kala kacay meesha waji-gabax tasoo suxufiyad JANE DATON eey aheeyd suxufiyad iyadu u muuqatay in waxbadan in eey kala socota arimaha Geeska Afrika.
Kala soco wareeysiyada kala duduwan kusaabsan Arimaha Geeska Afrika ee kabxa ALJAZEERA TV oo turjuman Qorahay Media.
Daawo wareeysigii oo Live ah:

http://www.youtube.com/watch?feature=player_detailpage&v=ayK_eY1jub4

Garyaqaan-Garad
Qorahay Media,
Yorkshire,UK
qorahay99@yahoo.com

 

   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online