Dec 9, 2012 (QOL)
Magaalada Perth ee xarunta Galbeedka Australia ayaa maanta
lagu qabtay shir balaadhan oo lagu taageerayo maamul u samaynta
Juboland, shirkan oo ay soo qabanqaabiyeen Jaaliyada Jubaland
ee Galbeedka Australia waxaa ka soo qaybgalay bulshada qaynaheeda
kaladuwan sida, Culimada, Odayaasha,Haweenka & dhalinyarada.
Shirka
oo jawi aad u qurix badan ku bilowday waxaa ugu horayn lagu
furay Aayadah Quráanka Kariimka ah & wacadi kooban
oo Alle cabsidiisa la isku baraarujinayay, kadib waxaa shirka
si rasmi ah u furay gudigii shirkan soo qabanqaabiyay oo
dadkii kulanka ka sooqayb galay si aad ah u soo dhaweeyay
una mahad celiyay.
Gudiga qabanqaabadu waxay saharaax ka bixiyeen
ujeedadii shirkan loo qabatay waxayna sheegeen bulshadan
kulankan isugu timid in ay doonayaan in ay taageeraan Maamul
Goboleedka Jubaland loo samaynayo & in ay talooyin u
gudbiyaan Madaxada Soomaaliya, shirka waxaa ka hadlay aqoonyahano,
Odayaal, haween & dhalinyaro dhamaantoodna waxay tilmaameen
in ay taageerayaan Maamul goboleedka Jubaland oo ah maamul
dadka deegaanada Jubooyinku xaq ay u leeyihiin.

Dhamaan dadkii shirka ka hadlay waxay sheegeen
in ay guud ahaan Dawalda ku taageersanyihiin talaabooyinka
horu maarka leh ee ay ka gaadhay xaga amniga waxayna si
gaar ugu mahada celiyeen ciidamada Soomaliyeed ee Kismaayo
amaankeeda gacanta ku dhigay waxayna cadeeyeen in ay ka
goántahay taageerida ciidamadaas & guud ahaan
horu marinta Jubaland.
Odayashii shirk ka hadlay waxay baaq culus
u direen dawlada Faradaalka Soomaaliya waxayna ka codsadeen
in ay sida ugu haboon uga qaybqaadato maamul u samaynta
sadexda Gobol ee Jubada Hoose, Jubada dhexe & Gedo,
Odayaashu waxay Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamuud ka codsadeen
in uu meelmariyo himilooyinka qaran isla markaasna uu Dastuurka
oo cadaalada loo cuskanayo umada Soomaaliyeed ku hogaamiyo
iyagoo xusay in dadka Jubooyinka ka muuqato kalsooni la’aan
dhinaca Dawalada ah.
Dadkii shirka ka hadlay waxay dhaliil u jeediyeen
xildhibaanada Gobolada Jubooyinka u dhashay ee ku jira Baarlaanka
Soomaliya waxayna ku dhaliileen in aysan si firinfircoon
uga muuqanin saaxada siaaysada waxayna ku adkeeyeen in dadka
ay matalayeen u hagarbaxaan una hadlaan islamarkaasna ka
qayb qaataan dhismaha maamulka Jubaland.
Dadkii shirka sida qiirada leh uga hadlay
waxaa ka mid ahayd Maamo Mako Mohamed Shirwac oo sheegtay
in umada Soomaaliyeed ay cadaalada u wada oomanayntahay
islamarkaasna aysan dadka Jubooyinka qaadan Karin in la
yidhaahdo maamul ma samaysan kartaan.
Maamo Mako waxay dawlada fadaraalka Soomaaliya
ka codsatay in ay Maamul u samaynta Jubaland gacan weyn
ka gaysato dadka deegaankana ay u madaxbanayso in ay maamul
samaystaan, waxay intaas raacisay in dadka Jubaland ay gacmaha
is qabsadaan isuna taagaan in ay maamul cadaalad ku dhisansamaystaan
dhexdoodana ay isu cadaafal falaan.
Ugu dambayntii waxay dadkii shirka ka hadlay
tilmaameen dadka Jubooyinku in ay yihiin dad dhaqan wanaagsan
oo nabada & wada noolaanshaha jecel waxayna dadka deegaanada
Jubooyinka ugu baaqeen in ay soo celiyaan wanaagii lagu
yaqaanay & habkii dhaqan ee ay caanka ku ahaayeen oo
la aaminsanyahay in uu waxweyn ka tari karto isla markaasna
uu fududeyn karto samaynta maamul loo dhanyahay oo gobolada
Jubooyinka yeeshaan.
QorahayMedia
qorahay99@yahoo.com