Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Amisom oo lawareegay magaalada Jowhar

Dec 9, 2012 (QOL) Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ayaa xaqiijinaya inciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Amisom in ay gudaha ugaleenxarunta Shabeelada Dhexe ee Jowhar waxa ayna ciidamada dowladdaSoomaaliya ay gudaha u galeen xaafado kamida gudaha magaalada waxaana xilligan gudaha magaalada gacanta ku haya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Amisom.

Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada ay guud ahaan ay xajiyeen gacan ku haynta magaalada Jowhar waxa ayna sheegeen in ciidamada ay hadda kuwajahanyihiin deg,ooyinka gobolka hoos yimaada waxa ayna hadda ciidamada ay ku wajahanyihiin magaalada
mahadaay.

Ciidamada Amisom iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayaa fadhiisimo ka samaystay qaybo kamida gudaha magaalada Jowhar waxa ayna sidoo kale gaareen garoonka magaalada Jowhar oo magaalada u jirta 15 Km

QorahayMedia
qorahay99@yahoo.com

 

   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online