Dec 9, 2012 (QOL) Taliyaha
nabad sugidda gobolka Banaadir Khaliif Axmed Erag oo maanta
saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in
ciidamada dowladda Soomaaliya gaar ahaana kuwa Nabad sugidda
ay howl galo kasameeyeen degmooyinka gobolka Banaadir ayna
ku soo qab qabteen dhalinyaro badan oo looga shakisanyahay
in Al sahbaab yihiin.
Taliyaha nabadsugidda gobolka Bnaadir Khaliif Axmed Erag
ayaa saxaafadda u soo bandhigay laba dhalinyaro waxa uuna
sheegay in ay hadda ku wadaan baaritaan dheeraad ah taliyaha
ayaa saxaafadda
waydiisay xaqiijinta in dhalinyaradan ay yihiin Alshabaab
ayuu ku sheegay in ay gacanta kulajireen falal amaanka lid
ku ah.
Maalmihii lasoo dhaafay ayaa magaalada mqudisho waxaa ay
ciidamada kawadeenm howlgalo balaaran oo lagu xaqiijinayo
amaanka
QorahayMedia
qorahay99@yahoo.com