Dec 9, 2012 (QOL)
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabada,midnimada iyo cadaaladda
difaacaha xuquuqda,xoriyadda iyo karaamadda muwaadinka waxaanu
halkan cambaareeyn culeeyskeeda leh dusha uga tuureeynaa
Rajiimka S/Land talaabadda tacadigeedda,dhibaatadeedda,xadgudubkeedda
iyo
awood adeegsigeeda
leh oo ciidamada boliiska iyo kuwa sirdoonku ula dhaqmeed
Taageerayaashii Urur Siyaasadeedka(Xaq-soor)oo sida nabad
ah u cabiraayeen codkooda kana cabanaayeey hab musuq-maasaqa
iyo boobida cad oo codkoodii doorashadii golaha degaanka
Hargeeysa lagu sameeyeey loona dhacay Xisbiga Rajiimka talada
haya ee Kulmiye eeyna Masuuliyada musuq-maasaqaas iyo xaq-daradaad
guddiga doorsahadda oo ah mid jeebka ugu jirta Madaxtooyadda
rajiimka,runtiina uu si toos ah u maamulo Wasiirka ku sheeg(Xirsi
Toori-leh).
Waxaanu halkan ku cadeeyneeynaa in tallaabadaasu ka turjumeeyso
wajiga dhabta ah ee rajiimka hargeeysa fadhiya oo eey caado
u tahay cabudhiinta codka dadweynaha iyo la dagaalanka warbaahiinta
madaxa
banaan iyo guud ahaanba cidii dhaliisha dhaqan xumada rajiimkaas
sida- Colaada iyo duulimaadka eey ku wadaan Maamulada deriskooda
ah sida- Khaatumo State of Somalia iyo Maakhir-land kuna
saleeysan colaad isir ku saleeysan iyo dhul-balaarisba aragti
cunsuriyadeed ka dameeyso.
Waxaanu uga digeeynaa rajiimkaas(Hogaankiisa
iyo Ciidankiisaba)in eey tacadiyada xuquuqda dadweynaha
lidka ku ah iyo weerarada gardarada ah oo eey deriskooda
ku hayaan,anagoo ururadda illaalinta xuquuqadda
basharka ka dalbeeyna ineey diiwaan geliyaan tacadiyada
rajiimkas iyo tilmaamidda shakhsiyaadka sida tooska ah masuuliyadeeda
u leh loona aqoonsado ku xadgudbayaal xuquuqada iyo xoriyadda
dadweynaha,sidoo kale ku dhaliileeyna hogaanka sarre dowlada
federaalka somalia Xamar fadhida ka aamuuska tacadiyadda
rajiimka S/Land taasoo micnaheedu yahay ka raali ahaanshada
xadgudubyadaas iyo weeraradooda gardaro waana arrin ayaan
daradeeda iyo masuuliyada xumadeedaba leh, waxaanu qireeynaa
xaqa iyo xoriyada dadweynuhu u leeyihiin cabirada aragtidooda
iyo ku dhawaaqida codkooda iyagoo habka nabada maraaya iyo
sida dimuqraadiyadda la sheeganaayaa tilmaameeyso.
-Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed
Nabadda,Midnimadda Iyo Cadaaladda.
-Dec-10-2012.