Dec 10, 2012 (QOL)
War hordhacay oo naga soo gaadhaya magaaladda
Gaarisa ayaa sheegaya 3nin oo Soomaali ah in xalay fiidkii
lagu dilay magaalada Gaarisa, sida uu warbaahinta Qorahay
u xaqiijiyay mid kamid ah dadkii ka agdhowaa goobta dilku
kadhacay oo rasaasta maqlayay ayaa sheegay in 3nin lagu
dilay meesha loo yaqaano Gaarisa yarey xili maqriboodkii
ah, qofkii falkaas sameeyayna uu rasaas ooda kaga qaaday
halkaas uu kabaxsaday.
Wali
manaan helan dadka ku dhaawacmay inta ay dhanyihiin waxayse
wararku sheegayaa in ay jiraan dhaawacyo loo sii qaaday
Isbitaalka magaalada.
Wararku waxay intaas ku darayaan in nimanka
la dilay mid kamid ah uu ka tirsanaa dawladda Kenya halka
labada kale ay shacab ahaayeen, Ilaa & hadda nama soo
gaadhin magacyadda dadka lagu dilay Gaarisa waanse ku raad
jognaa in aan helo magacyadooda.
Magaaladda Gaaris ayaa mudooyinkii dambe ka
dhacayeen qaraxyo kuwaas oo lagu bartilmaameedsanayay meelo
kamid ah magaalada Gaarisa lamana garanayo dadka amaan darada
ka wada Magaalada Gaaris oo caan ku ah nabada & wada
noolaanshada qowmiyadaha kala duwan ee ku dhaqan magaalada
Gaarisa.
Si kastaba ha ahaatee dadka shacabka ah ayaa
walaac ka muujinaya dilalka ka dhacaya magaalada Gaarisa
ayaga oo in badan dawladda ka codsaday in ay baadhitaan
xoogan sameyaan dadkaas amaan darada ka wada magalada.
Wixii ka soo kordha kala soco Qorahay Media.
Qorahay Media
Gaarisa, Kenya
qorahay99@yahoo.com