Jaaliyadda Ogaadeenya ee Victoria magaalada Melbourne oo kulan muhiim ah isugu timid.

Dec 10, 2012 (QOL) Maanta oo ay tahay taariikhdu 9 December 2012 Jaaliyada Soomaalida Ogadenia ee Victoria iyo qeybahaheeda kala duwan sida OYSU Melbourne, ururka haweenka iyo odayaasha isku yimaadeen shirkii bilaha. Sidii caadada u ahayd shirarka jaaliyada waxaa lagu furay aayadaha qur’aanka iyo wacdi diini ah, waxaana soojeediyay Sh Maxamed.

Waxaa lagu soo dhaweeyey Gudoomiyaha Jaaliyadda Xikim Sheikh oo war bixino aad u muhim ah ka soo jeediyey madashii shirka, kuna sodhaweeye shirka Halgame Hussen Caqil oo ka mid ah ururka OYSU Perth oo booqasho ku so gaadhay Magalada Melbourne.

Wuxuu Halgame Hikim uu dulmaray dhamaan xubnaha shirka ka soo qeybgaly heerarka uu marayo halganka. Wuxuu ku baraarujiyey xubnaha in shaqada halganka kor loo siiqaado maadama kala guurkii lamarayo, guushiina u soohoyaneyso Ogadenia. Wuxuu Halgame Xikim aad ugu mahadceliyey dhamaan Jaaliyada Victoria qeybaheeda kaladuwan oo run ahaantii u sii hagarla’aan ah kugu istaagay waxqabadka shacabkooda dulman.

Intaa kadib waxaa lagudagay kala warqaadasho, waxaa warbixintii ugu horaysay soo gudbiyeey gudiga ashaxa ee Jaaliyada. Ayagoo dhamaan u mahadceliyey jaaliyada iyo shaqada wanagsan ee ay umadooda u hayaan.

Gudoomiye kuxigeenka OYSU Melbourne Halgame Mukhtar ayaa warbixin kooban ka bixiyeey ururka OYSU Melbourne iyo shaqada halganka meesha ey u marayso, Halgame Mukhtar ayaa marka hore u mahadceliyeey dhamaan xubnaha OYSU Melbourne iyo sida wanagsan ey kaladanbeen iyo shaqada halganka u wadaan.

Wuxuu Halgame Muktar ka warbixiyeey in OYSU Melbourne ka qeybqaateen shirkii ‘Women Leading Change’ oo ey hay’ada Crisis Hub so qabanqaabiyeen ayagoo matala Jaaliyada iyo ururk OYSU Melbourne, siwaangsana ugu dhamaaday. Waxuu kalo soobandhigay in barmaamijkii in CUN OO CAAWI ey qaban doonaan OYSU Melbourne 12 January 2012, dhamaan jaaliyada Victoriana lagu codsanayo in ey kasooqeybgalaan.

Shirkan oo ahaa mid aad u wanaagsan ayaa ku soo gaba gaboobay jawi aad u wanaagsan una farxad badan waxayna jaaliyada iyo Ururka OYSU isla qateen sidii kor loogu qaadi lahaa wax qabadka u yaala.

Hudayfa
Qorahay Media
Melbourne, Australia
qorahay99@yahoo.com

 

   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online