Dec 10, 2012 (QOL)
Mahad oo dhan Allah ayeey u sugnaatay-Naxariis iyo nabadgelyo
Suubane Rasuulkeena Muxamed CSW korkiisa-Farshaxanka iyo
Qalinka run sheega,xaqa u hiiliiya,wanaaga ku taliya,qaranimo
iyo jiritaanka Somaaliyeed mudnaanta koowaad siiya(qorax
aan dhiciin-Arts-Amiin Caamir Cabdalla).

http://youtu.be/RVnnhVP-tq8
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabadda,midnimadda iyo cadaaladda
codka wadaniyiinta damiirka,dareenka iyo qiiradda nool leh
gartay ama garanaaya qiimaha qaranmimadu iyo midnimadu ku
fadhiyaan hanashada hanaan dowladeed cadaalad,hufnaan maamul,adeeg
arr, bulsho iyo horumarin iyo xoojinta habka federaalka
la qaatay,waxaanu
Qormadan kooban ku qeexeeynaa ahamiyada,maqaamka,kaalinta
iyo doorka mudnaanta gaar ahaaneed leh ee Farsahaxan-Amiin
Caamir oo aanu u aqoonsanahay Halyeey Qaran heerka koowaad
ah(Bilad
Dahab ah mudan)shaki kuma jiro in Amiin Arts qalinkiisa
farshaxanka ah iyo ereyada kooban oo la socda oo ka turjumaaya
dhibaatada taagan.
Xaalado dhacay,duruufo jirra,dhiiga daadanaaya,qabyaalada,naceeybka,
cunsuriyadda iyo burburka culeeyskiisa leh oo ka jira dalkeena
hooyo iyo rafaadka,xanuunka iyo tacadigga bulshada heeysta-mudada
dheerna soo hayeeysay(Ayaan daradeeda leh).
Amiin Caamir wuxuu ka turjumaa aragtida ama rabitaanka aqlabiyada
bulshada Somaliyeed weiba inta aan codkaada soo gudbin kareyn
ama aanay jiriin cid meteshaa,waana arrin ku saleeysan damiirka,dareenka
iyo wadaniyada Halyeey-Amiin waana caqliga fiyoow iyo dadnimadda
qof ahaaneed ee Halyeeygaas Somaaliyeed,waxaanu si buuxda
oo aan hagar la'aan laheyn in aanu u taageero una soo dhoweeyno
qorshaha
Amin Arts ku go'aansaday in Dalka Hooyo ka furo Dugsi farshaxanka
laga barto waana arrin ahamiyad weyn ugu fadhiya loona baahan
yahay in sidda ugu haboon looga taageero hirgelinta mashruucaas
qiimiha ku fadhiya-Amiin Arts Halyeey Qaran amaan,bogaadin,xurmo
iyo mahad-celinba mudan-Guuleeysto-Aamiin.
Ustaad-Xassan C/Laahi Sh.Maxamed(Xassan Carab)
Afhayeenka Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed
Nabadda,Midnimadda iyo Cadaaladda.
Dec-10-2012.