Ururka OYSU ee South Africa oo Marti Sharaf u Sameeyay HAAB Jwxo.

Dec 11, 2012 (QOL) Waxaa Caawa oo ay taariikhdu ku beegantahay 10/12/2012 marti sharaf u sameeyay Wafdi uu hogaaminaayay Hogaanka Arimaha bulshada & Abaabulak Jabhadda wadaniga xoreynta Ogadeniya (jwxo ) Mudane Sheikh Maxamed Cabdi Yaasiin (Diirane ) Ururka OYSU faraciisa Gobolka Eastern Cape ee ay rugtiisu tahay magaalada Port Elizabeth.

Marti sharaftan oo ay soo bandhigeen maamulka Ururka Oysu ayaa ku soo hagaagay wakhti uu Gudoomiyuhu ku suganyahay wadanka South Africa islamarkaana uu ku gudajiro hawlaha halganka iyo Arimaha Abaabulka.Waxaa kaloo wehelinaayay waftigan xubno ka socday maamulka sere ee Jaaliyada Ogadeniya ee South Africa.

Marti sharaftan ayaa ahayd marti sharaf aad u qiimo badnayd oo ay Dhalin yaradu ugu talagashay in ay isku bartaan waftiga uu horka caayay Gudoomiye Sheikh Maxamed Cabdi Yaasiin (Diirane ) & Ururka Midawga Dhalinyadada & Ardeyda Ogadeniya (OYSU) ee Magaalada Port Elizabeth.

Hadaba Hogaanka HAAB ee Jabhadda wadaniga Xoreynta Ogadeniya (JWXO) Mudane Sheikh Maxamed (Diirane ) oo kormeer hawleed u jooga wadanka South Africa ayaa shirar waa weyn horey ugu soo qabtay magaa looyinka waa weyn ee wadankan.

Gudoomiyuhu Isaga oo sii wata hawlihiisa ayaa waxa uu la kulmi doonaa maalmahan fooda inagu soo haya hadii Eebe idmo Bulshada noocyadeeda kaladuwan sida Odayaasha Aqoonyahanada Siyaasihiinta iyo Ururada bulshada ee ku nool wadanka South Africa gaar ahaan Gobolka Eastern Cape iyo nawaaxigiisa .
Kala soco warbaahinteena wixii ka soo kordha

Xayi Yare
Qorahay Media
Port Elizabeth
South Africa

 

   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online