Raiisul wasaarihii dalka Maali oo is casilay iyo ciiidamada oo lagu eedeeyey inay iyagu ku qasbeen tallaabadaas raiisul wasaaraha.

Dec 13, 2012 (QOL) Waxaa dalka Maali ka dhacay afganbi aan wax badan laga ogeyn ujeedadiisa iyadoo lagu baraarugey raiisul wasaarihii dalka Sheekh Modiiboo diyaara oo TV,ga iska casilay isaga iyo xukuumaddiisiiba isagoo aan wax sabab ah sheegin Raiisul wasaaraha ayaa xalay waxaa gurigiisa kala baxay ciidamada qalabka sida ee Maali waxeyna ku qasbeen inuu is casilo sida la tuhunsan yahay.

Raiisul wasaaraha maali ayaa ku eedeeyey saraakiil hore afganbi uga fuliyey dalka inay xalay xabsiga u taxaabeen ka dibna amar ku siiyeen inuu is cassilo dhanka kale afhayeen u hadlay ciidamadii sannadkii hore afganbiga dalka kula wareegay oo lagu magc aabo Bakaari Moriikoo ayaa beeniyey in wax inqilaab ah dhacay isagoo yidhi sidanu inqilaab ma aha madaxweynihii ayaa jooga wuxuuna soo magac aabi doonaa raiisul wasaare cusub saacadaha fooda inagu soo haya.

Moriko ayaa raiisul wasaaraha is casillay ku eedeeyey xil gudasho la,aan iyo waliba kali talis nimo isagoo buu yidhi ku fashilmay inuu wax ka qabto dhibaatada ka jirto waqooyiga Maali halkaas oo ay kooxo xukuumadda ku kacsan gacanta ku hayaan.

Dad ku dhaw dhaw raiisul wasaaraha la casilay ayaa saxaafadda u sheegay in raiisul wasaaraha ay kaxeysteen saraakiil badan kuwaas oo kayimid magaalada Kaatii oo ah xarunta saraakiishii afganbiga sannad hore ka danbeyay.

Raiisul wasaaraha ayaa qorshuhu ahaa inuu dalka France u duulo ka hor intaan gacanta lagu dhigin si uu baadhitaan caafimaad uga doonto halkaas sida uu sheegay nin ku nool guriga raiisul wasaaraha Mr Diyaaraa

Kooxaha millitariga ayaa dhankooda aad u beeninaya inuu Diyaaraa xidhan yahay waxeyna ku doodayaan inuu gurigiisa oo ku yaalla caasimadda Bamaakko uu ku sugan yahay xorriyaddiisa oo buuxdana uu heysto. Laakiin mid kamid ah dadka ku ag dhaw diyaaraa ayaa AFP u sheegay inuu raiisul wasaaruhu ku sugan yahay xaruntiisa laakiin la ilaalinayo xorna aanu aheyn.

Raiisul wasaaraha is casilay ayaa aad waxa uu u taageersanaa in fara galin millitari lagu sameeyo waqooyiga Maali oo ay maamulkiisa kala wareegeen isagoo arrinkaasna TVga ka sheeegay waxaana arrintaaas gabi ahaanba ka soo horjeeda kooxda Millitariga ee dalka sida dadban u maamusha uuna ugu horeeyo ninka lagu magacaabo Amaadoo Saanoogoo oo ah ninkii afganbiga sameeyey ama hogaminayey.

Waqooyiga Maali oo ah halka ay gacanta ku hayaan kooxaha is biirsaday ee kalana duwan iyadoo bilo ka hor lagu dhawaaqay in ciidamo loo dirayo waqooyiga Maali si looga bixiyo gacanta kooxahan ayaaney hadana tillaabadaasu hir galin waxaana si weyn isugu khilaafsan sida wax loo fulinayo ciidamada Maali iyo madaxda rayadka ah ee dalkaas.

Si kastaba ha ahaatee waxaad mooddaa inaaney muuqan xal dag dag ah oo ka soo ifayo waqooyiga Maali oo la sheegayo in si xawli ah loogu tababarayo kooxo ka soohorjeeda dawladda.

Daljir Keyd
Qorahay Media Kenya

   
   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online