Dec 12, 2012 (QOL)
Guddoomiyaha baarlamaaka dalka Jabuuti Idirs
Arnote Ali iyo xildhibaano katirsan baarlamaanka Jabuuti
ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho waxaana wafdiga
gudoomiyaha ay gaareen xarunta golaha shacabka oo ay kulan
ku laahaayeen xildhibaanada Baarlamaanka Sooamaliya waxaana
gudoomiyaha baarlamaanka uu mudanayaasha Baarlamaanka kadalbaday
hadal soo jeedin guddoomiyaha baarlamaanka Jabuuti.
Maxmaed Sheekh Cismaan Jawaari oo ugu horeen kulanka kahadlay
ayaa sheegay in Jabuuti ay yihiin dal Soomaaliya ay wadaagaan
Diinta Dhaqanka Walaaltinimada iyo darisnimada waxa uuna
kadalbaday
gudoomiyaha Jabuuti in shacabka Soomaaliyeed ay salaan kal
iyo laab ah uu kagaarsiiyo shacabka Jabuuti.
Intaasi kadib ayaa waxaa hadal jeedintiisa gudagalay gudoomiyaha
baarlamaanka Habuuti Idirs Arnote Ali waxa uuna sheegay
in Jabuuti iyo Soomaaliya ay yihiin dad walaalo ah oo wadaaga
walaaltinimo dahb ah
waxa uu sheegay in Jabuuti ay Soomaaliya garabtaagneed 20sano
ee lasoo dhaafay madaxwaynaha Jabuuti Isnaaciil Cumar Geele
uu soomaaliya u tahay dalkiisa labaad waxa uuna ugu dambayntii
uu kadalbaday
mudanayaasha BaarlamaankaSoomaaliya in sgacabka ay dhaxgalaan
oo ay lawadaagaan dhibka iyo dheefta.
Ugu dambayntii xildhibaano katirsan baarlamaanka Soomaaliya
oo hadal jeedin kasameeyay baarlamaanka soomaaliya aya u
mahadceliyya booqashada taariikhga ah ee gudoomiyaha Baarlamaanka
Jabuuti.
Qorahay Media
Muqdisho, Somalia
qorahay99@yahoo.com