Dec 12, 2012 (QOL)
Hambalyo Sanad-guuradda 13-naad ee Warbaahinta
Wadaniga ah Qorahay Media 12-Dec 2012-Warbaahinta iyo saxaafaddu
waa risaalad u adeegta danaha bulshadeeda, kaalin weyn ka
qaadata dhanka wacyi-gelinta,horumarinta aqoonta,gudbinta
macluumaadka cusub markaas faa'iida u leh mujtamaca iyo
ka qeyb qaadashada qadiyadda karaamo difaacid ah ee dadku
ama bulsho-weyntu u taagan tahay sida halganka xoriyada.
http://youtu.be/VEoZaMoebzY
http://youtu.be/LIRbNOZrR8M
Shaki
kama jiro in Warbaahinta Qorahay tahay hormuudka,horseedka
iyo Iftiinka hanaanka wanaagsan ee warbaahinta Somaaliyeed
kuna sifoowdeey hab hufnaan,hanaan dhex-dhexaadnimo,illaalinta
xaqa iyo xurmadda dadka,sugnaata wararka iyo soo bandhiga
dhacdooyinka oo xaqiiqada ku saleeysan, Qorahay Media halgamaa
xaq difaacidda gobanimo raadiinta iyo Milgo ku dhimashada
u taagan,Warbaahin leh
dhanka Saxaafadda, Baahinta Idaacadeed iyo Muqaalka TV-ba
waana hab laga heli karaayo warbaahin kooban.
Hadaba anigoo ah Ustaad-Xassan Carab kana
mid ah shakhsiyaadka sidda joogtada ah xiriirka wanaagsan
la wadaaga warbaahinta Qorahay Media waxaan halkan hambalyo
diiran uga soo gudbinaayaa:-Agaasimka, Howlwadeenada, farsama-yaqaanadda
iyo wakiiladda Qorahay Media iyo guud ahaanba bah-weynta
akhristayaasha, dhegeeystayaasha iyo daawadayaasha xurmadooda
leh Qorahay Media sanad guuro wacaan, noqda kuwii sanadka
sanadkiisa kale ku gaara nabad qab, kheyr badan, guulo dhab
ah iyo horumar Inshaa Allah).
Ustaad-Xassan Carab
West Yorkshire-England-UK
Dec-12-2012.