Dec 12, 2012 (QOL)
Kenya oo maanta udabaal dagtay sanadguuradii
49-aad ee maalintii xoriyada.maalintaan ayaa ku aadan maalinti
ay xoriyada ka qaadatay gumeystihi Ingriiska.

Xaflad si heer saare loo soo abaabulay ayaa
waxaay kadacdhay caasimada dalka Kenya ee Nairobi, waxaana
kasoo qeyb galay Madaxda uugu sareeso Dalka, sida Madaxweynaha
Dalka iyo Raisul wasaaraha Dalka, xafladaan ayaa ah , tii
ugu danbesay uu ka qeyb gale Madaxweyna Kibaki asaago ah
Madaxweynaha Dalka.

Mudane Kibaki ayaa xiliigasa ku eg yahay 4,
march , 2013 ,mana usoo istaagi doona xilka Madaxweynanimada
Dalka,Mudane Kibaki oo lahadlayay shacabka Kenya, ayaa u
sheegay in ay isdiwaan galiyaan si ay u doortaan Madaxweyna
daacad ah, wuxu kaloo sheegay in ay shacabka ka faaideystaan
halka isbuuc oo ka haray isdiwaan galinta,

Mudane Kibaki ayaa qudbadiisa kusoo qaatay,
waxqabadkiisa 10 sano uu ahaa Madaxweyna.Raisul wasaraha
ayaa dhankiisa amaanay waxqabadki Madaxweyna Kibaki, Mudane
Raila Odinga ayaa kahadlay amniga dalka, wuxuuna amaanay
cidanka dalka si ay oola dagalameen kooxa argagixisada.

Halkan ka daawo Khudbadii Maraxweynaha Kenya
http://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=Tv0qNn-yffE
Farhan Mohamed
Qorahay Media