Dec 13, 2012 (QOL)
Isniintii ooy taariikhdu ahayd 10/12/2012, waxaa caasimada
wadanka Denmark ee Copenhagen kadhacay xuska maalinta Xuquuqda
Dhalinyarada Aduunka oo sanad walba manta oo kale laga xuso
aduunka oo idil. Munaasabadan oo ahayd mid siwanaagsan loosoo
agaasimay waxaa siwadajir ah iskaga kaashaday oo soo qabanqaabiyay
ururka Midawga Dhalinyarada iyo Ardayda Ogadenya ee wadankan
Denmarka (OYSU-DK) iyo ururo badan oo isugu jira kuwo caalami
ah iyo kuwo Danish ah sida Danish Muslim Aid, European Network
Against Racism iyo Youth for Human Rights. Kaqayb galeyaasha
xuskan caalamiga ah ayaa wadooyinka waa wayn ee magaalada
Copenhagen kusoo maray socod qaatay mudo dheer xilli uu
baraf badan ka da,ay wadankan kaasoo hakad galiyay isku
socodka gaadiidka meelo badan oo Denmark kamid ahna ay korontadii
kamaqnayd.
Ururka OYSU oo hormuud u ahaa munaasabadan
ayaa wacdaro kamuujiyay dhamaan barnaamijtii iyo hawlihii
ajendaha munaasabadan lagu soo bandhigay. Waxaa meel kasta
kamuuqday calanka Ogadenya sidoo kale waxaa si muuqata qayb
libaax ooga qaatay hawl wadeenka OYSU oo run a,ahaantii
maanta muujiyay bisayl iyo dadaal dheeraad ah iyagoo soo
bandhigay baraamij aad uxiiso badan sida dhaanta iyo farshaxan
kale oo kamid ah hidaha iyo dhaqanka ugaarka ah shacab waynaha
Somalida Ogadenya.
Waxaa dad waynihii munaasabada kasoo qaybgalay oo aad utiro
badnaa qiiro iyo tiiraanyo badan kureebay khudbad kooban
ooy madashada munaasabada ka jeedisay Iimaan Sheekh Xasan
oo kamid ah da’ayarta udhalatay Ogadenia ee ku barbaartay
qurbaha laakiin uu saameeyay dhibaatada iyo xad gudubyada
joogtada ah eey kujiraan caruurta da’deeda ah ee kudhaqan
Ogadenya iyadoo si wanaagsan usoo bandhigtay xanuunka kahaya
dhibka eey kujiraan caruurta Ogadenya.
Dhanka kale waxaa munaasabada kahadlay dad
badan oo isugu jiray khubaro magac dheer kuleh guud ahaan
hay,adaha udooda xuquuqda caruurta iyo kuwo caalami ah aadna
looga yaqaano wadankan Denmark sida Sheekh Cabdiwaaxid oo
ah madaxa hay,ada Danish Muslim aid. Sheekha ooy sigaar
ah oola kulmeen xubno kamid ah hawl wadeenka jaaliyada Ogadenya
ee Denmark ayaa hadalladiisii waxaa kamid ahaa * Waan lasocdaa
xaalada Ogadenya sababtoo ah labo jeer yaan Ogadenya tagay
indhahaygana kusoo arkay xaalada dhabta ah ee kajirta diyaarna
waxaan unahay inaan idin kala shaqayno waxkasta oon awoodno*.
Guud ahaan ahaan kasoo qaybgaleyaashii munaasabadan waxay
isku balansadeen sidii looga wada shaqayn lahaa kahortaga
xadgudubyada kadhanka ah ee guud ahaan caruurta aduunka
laguhayo gaar ahaan caruurta Ogadenya ee gumaysigu naafeeyay
dhibaatooyinka joogta ahna uu kuhayo.
Faysal / Denmark