Dec 13, 2012 (QOL)
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabada,midnimadda iyo Cadaaladda
codkii inta damiirka,dareenka iyo qiirada nool leh difaacada
qaranimada iyo illaalinta midnimadda u taagan,anagoo halkii
ka sii wadna qoraalkii Xaaladaha ama heerka ku xadgudubka
xuquuq Insaanka Somaaliya waxaan qormadan ku eegeeynaa kaalinta
ama doorka Ciidmada Amison ku leeyihiin taciyadda lidku
ah Xuquuqdda Muwaadinka Somaaliyeed. http://youtu.be/QTzFcd6nmzw
Shaki
kuma jiro in Ciidmadda Amison hab sharciyeed heer qaaradeed
ah oo Qaramada midoobay ansaxiyeey ku joogaan Dalkeena hooyo
ka qeyb qaateen weli wadaan sugida amaanka iyo qeyb qaadashada
la dagaalanka Kooxda Al-Shabaab ku amaanan yihiin wixii
guul ah ama wanaag ah oo eey ummadda somaaliyeed u qabtaan
isla markaana ku waayeen ciidamo badan gudaha dalkeena siiba
Ciidamadda-Unandha, Burundi iyo Kenya,kuwa Jabuuti dhowaan
ayeey yimaadeen howshoodu mid xadidan ilaa hadda,kuwa Itoobiya
qorshe kale iyo arrin labada ka dhaxeeysa ayeey ku joogaan
anaguna waxaanu u aqoonsanahay kuwo Hab Sharci daro ah dulimaad
dalka Somali ku jooga,soo dhoweeyn ma mudna.
*-Ciidanka Ugandha(Amison) tacadiyo badan oo noocyo kala
duwan leh ayeey u geeysteen Dadweynaha ku dhaqan Muqdisho
iyo degaamo hoos taga G/Sh/Hoose waxaana ka mid ah kuwan:-
-Did Cad, Xoriyad ka qaadida Muwaadiniinta(Xariga hab sharci
daro ah).
-Ku Garaacida Suuqayada Muqdisho saacadaha Dadweynuhu adeegsiga
ku jiraan weliba sanadhii 2007/08/09/010/011 iyo sanadkanba
2012 oo eey ku naf-waayeen dad rayid ah una badnaa haween,caruur,waayeel
iyo burburinta guryo badan iyo goobo ganacsi-ba.
-Gaadiidka qafilan oo eey wataan oo si cad u jiiray dad
badan weliba qaarkood hab naxariis darro ah(sida Hooyo Somaaliyeed
uur-laheyd iyo Caruur yar-yar ahba.
-Dhaqan xumo heer Faro-xumeeyn ah(si gaarka uga dhacay
welina uga dhacaaya xeradda Ex-Xalanle).
-Dumar Somaaliyeed oo eey Caruur ka dhaleen kuna dayaceen.
-Adeesiga Awood xad dhaaf ah iyo hab dhaqameed argagax gelin
ah intuba waa arrimo lid ku ah xuquuq insaanka iyo xeerarka
u dhigan ama looga baahan yahay ciidamo nabad illaalin ah.
-Ciidanka Burundi(Amison)inkastoo eey ka tira yar-yihiin
kuwa Ugandha lana oran karo wey ka dhib yar yihiin hadana
weey ku kaceen tacadiyo la mid ah kuwa Ugaandhiiska oo kale
iyo falal jir dil iyo toogashoba leh.
-Ciidanka Kenya(Amison) dhanka Koonfurta Dalka gaar ahaan
J/Hoose ayaa ilaa hada hawl-galkoodu ku sugan yahay waxaana
jiraan fafal la sheegay oo xadgudub ku ah xuquuq Insaanka
oo eey ka geeysteen degaamo ka tirsan J/hoose(dil,duqeyn
khaldan,jir dil iyo xoolo boobid, iyo qafaalasho dad) intuba
waa ku lid xurmada basharka,waxaa nasiib wanaag ah in taliska
guud iyo wasiirka Gaashaandhiga Kenya si cad u qireen dhacdooyinkaas
qaarkood talo laga qaaday Ciidankii falkaas ka dameeyeey,
inkastoo waxgaradkii degaankaasu weli ku qancin talaabada
ciidankaas laga qaaday,waxaa runtii amaan iyo bogaadiin
mudan sida Iskaashiga iyo wada shaqeynta leh oo Ciidanka
Kenya,kuwa dowladda Somalia iyo xoogaga raaskambooni si
wanaagsan oo xasiloonideeda leh u sugeen amaanka magaalada
kismaayo halka kuwo kale ku fashilmeen Sugida nabadgelyada-uqdisho,
Afgooye, Marka, Baydhaba iyo Baledweyn oo weli eey ka dhacaayeen
dilal,qaraxyo iyo falal ugaarsii ahba,Kismaayo loo gartay
loo aqoonsaday magaalada ugu asiloon dhanka amaanka.
-Ciidamada Jabuuti(Amison)runtii ma laha awood xoogan iyo
tiro badan imaatinkoodu sidaas uma fogeeyn waxeeyna ku sugan
yihiin magaalada Baledweyne caasimada G/Hiiraan-hadana weey
jiran tacadiyo la sheegay ineey ku kaceen sida fara-xumeeyn
eey geeysteen,jir dil,xoriyad iyo hab dhaqameed qalafsan(cadoownimo
leh),waxaana ayaan daradeeda leh in Afhayeen Amison Col-Cali
Xaamud ka soo jeedo Jabuuti in khaldan oo masuuliyada iyo
xilkiisaba ka baxsan u dhex galay arrimaha siyaasada Somaaliya
lana duubtay garabka ku cusub siyaasada Somaaliyeed ee Midnimo
iyo Federaal diidka ah oo afkartooda laga faafiyo-Warbaahinta
Shabeele iyo UniversalTV(gaar ahaan Barnaamijka Xog-waran)
runtiina ah xaraan,xasarad,xumaan iyo naceeyb waran,Col-Xaamud
ayaa si cad isugu bedelay afhayeenka kooxdaas qabta cudurka
cusub(Qaranimo iyo Midnimo diidka ah).
-Warbixintyu waa socotaa hadii Allah idmo kaalinta Burcad
bacadeedka, Kooxaha Tahriibiinta,Ciidanka Illaaladda Madaxtooyadda
iyo Garsoorka iyo Rajiimada Maamulada wajiyada Beeleed leh
kaalintooda xadgudub ee Xuquqq Insaanka Somalia.
-Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed
Nabadda,Midnimadda iyo Cadaaladda.
-Dec-12-2012.