Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo soo dhameystiray Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

Dec 13, 2012 (QOL) Waxaa Goordhow uu Ra'isal Wasaare Abdi Farah Shirdon (Saacid) ku dhawaaqay wasiiro ku xigeeno iyo Wasiiru dowlayaal ka harsanaa xukumadiisa iyadoona tirada wasiir ku xigeenada ay yihiin 20 halka wasiiru dowlayaashuna ay iyagana yihiin 5.

Shir uu ku qabtay Madaxtooyada ayaa Ra’isul Wasaaraha waxaa uu sheegay in wasaarad kasta ay yeelan doonto labo wasiir kuxigeen maadaama howsha ay badan tahay, Wasiirada ay yar yihiin xilalka ay isla hayaana ay badan yihiin.

Wasiiro Ku Xigeenada.
Wasiir ku xigeennada wasaaradda arrimaha dibedda Injineer Maxamed Aadan Axmed iyo Jamal Maxamed Boorow
Wasiir ku xigeennada wasaaradda arrimaha gudaha Xasan Ibraahim Maxamed iyo Jaamac Axmed Maxamed
Wasiir ku xigeennada wasaaradda maaliyadda iyo qorshaynta: Maxamed Xasan Aadan iyo Abuukar Xasan Cali
Wasiir ku xigeennada wasaaradda horumarinta adeegga bulshada: Bashiir Maxamed Jaamac iyo Maxamed Macallin Yaxye
Wasiir ku xigeennada wasaaradda cadaaladda iyo diinta: Fahmo Axmed Nuur iyo Xasan Maxamed Jaamac
Wasiir ku xigeennada wasaaradda howlaha guud, gaadiidka iyo dib u dhiska: Nadiifo Maxamed Cismaan iyo Cali Sheekh Maxamed Nuur
Wasiir ku xigeennada wasaaradda khayraadka: Siciid Xasan Cismaan iyo Cabdiraxmaan Maxamed Geeddi
Wasiir ku xigeennada wasaaradda gaashaandhigga: Axmed Maxamed Maxamuud iyo Cabdiraxmaan Kulmiye Xirsi
Wasiir ku xigeennada wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha: Cabdiqaadir Sheekh Ismaaciil iyo Maxamed Cali Xagaa
Wasiir ku xigeennada wasaaradda warfaafinta iyo isgaarsiinta: Cabdishakuur Cali Mire iyo Ibraahim Yarow Isaaq

Wasiiru Dowlayaasha.

Wasiiru dowlaha xafiiska madaxtooyada, Faarax Sheekh Cabdiqaadir Maxamed
Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda, Dr. Maxamed Nuur Gacal
Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka, Mahdi Maxamuud Cali
Wasiiru dowlaha wasaaradda maaliyadda iyo qorshaynta, Maxamed Rashiid Sheekh Daahir
Wasiiru dowlaha wasaaradda horrumarrinta adeegga bulshada, Maxamuud Ismaacil Barqadle.

Qorahay Media
qorahay99@yahoo.com

   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online