Madaxa HAAB jwxo oo la kulmay odayaasha & waxgaradka ku nool Wadanka Koonfur Afrika.

Dec 13, 2012 (QOL) Hogaanka waaxda Arimaha bulshada & Abaabulka Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogadeniya (JWXO) Mudane Sheikh Maxamed Cabdi Yaasiin (Diirane ) ayaa kulan balaadhan laqaatay Odayaasha Dhaqanka & wax garadka ku nool magaalada Port Elizabeth ee Xarunta Gobolka Eastern Cape Kulankan ayaa ka dhacay Xaafada ay Soomaalidu ku badantahay ee lagumagacaabo Korsten.

Kulankan waxaa soo qaban qaabiyay madaxa waaxda Arimaha bulshada & Abaabulka Jabhadda ONLF & madaxa maamulka Jaaliyada Ogadeniya ee Koonfur Afrika oo iskaashanaaya. ujeedada kulanka ayaa ahayd sidii loo sii xoojinlahaa Halganka gobonimodoonka ee ay hormuudka katahay Jabhadda ONLF oo lagu doonaayo soo celinta shafartii karaamadii & cizigii shacabka somaalida Ogadeniya islamarkaana la gu xoreynaayo Dhulka somslidu degto ee Ogadeniya kaas oo ay Gumeysato Xukuumada Itoobiya
Kulankan oo ay isugu yimaadeen boqolaal isugu jiray Odayaal dhaqameed Culumo-awdiin & Siyaasiyiin ayaa waxaa furay Godoomiyaha Jaaliyada Ogadenya Halgame Bashiir Muxumed Mr Muxumed wuxuu ku soo dhaweeyay microphone-ka Gudoomiye Sheikh Maxamed Cabdi Yaasiin oo ay Odayaashu aad ugu xiisaysnaayeen lakulankiisa.

Wuxuu Gudoomiyuhu goobta ka soo jeediyay kadib Taariikh nololeedkiisii & isbarasho warbixin aad u dheereyd oo meelo badan tibaaxaysay sida Siyaasada Arimaha bulshada & Taariikhda Wadanka Ogadeniya waxaa ka loo uu goobta ku soo bandhigay Gudoomiyuhu muuqaalo tusinaayay Odayaashii Kulanka isuguyimid khayraadka Dhulka Ogadeniya & sida uu Gumeysiga Itoobiya uu u doonaayo inuu ku soo daabulo Wadanka Ogadeniya boqolaal Itoobiyaan ah oo gaajo la tiicaaya.

Waxaa xusid mudneyd inuu Hogaanku madasha ka cadeeyay inay Odayaashu yihiin maskaxda & muruqa lagamamaar maanka ah ee lafdhabarta u ah Halganka shacabka Somaalida Ogadeniya islamarkaana loo baahan yahay inay sii laban laabaan taageerida Qadiyadooda una huraan Naf & maalba si ay uga baxaan gumeysiga Madaw (Woyaana).

Kadib waxay Odayaashu waydiiyeen Gudoomiyaha Su’aalo farabadan oo ay Odayaashu ku dhufteen meeshuu nin walba caqligiisu danmooday wuxuuna Gudoomiyuhu ugawada jawaabay si hufan oo ay Odayaashu ku wada qanaceen .guntii & gabagabadi kulankan ayaa ahaa mid ku soo dhamaaday jawi wanaagsan & is afgarad waxayna Odayaashii Kobtaas ka sheegeen inay kor u sii qaadayaan taageerida Qadiyadooda hiil & hoobna la garab istaagayaan Jabhadda ONLF.

Hadaba Hogaanka Arimaha bulshada & Abaabulka Jabhadda ONLF oo in muddo ahba u jooga wadanka Koonfur Afrika hawlo kormeer ayaa shirar is daba jog ah la yeelanaaya bulshada qeybaheeda kala duwan ee ku nool wadanka Koonfurta Afrika wuxuuna maalmahan inagu soo aadan Muxaadaro Diini ah ku Qabandoonaa Hadii Allaha awoodalihi idmo magaalada Port Elizabeth ee Caasimada Gobolka Eastern Cape
Isha ku hay warbaahinta Ogadeniya.

Xayi Yare
Qorahay Media
Port Elizabeth
South Africa

 

   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online