Dec 16, 2012 (QOL)
Magaalada Perth ee xarunta Galbeedka waxaa lagu qabtay munaasibad
aad u balaadhan oo lagu maamuusayay 13 guurada ka soo wareegtay
aas-aaskii Qorahay Media, munaasibada oo si her sare ah
loo soo agaasimay waxaa ka soo qayb galay bulshada qaybaheeda
kala duwan.

Ugu horeyn waxaa xaflaada furtay islamarkaasna
xidhiidhinaysay Marwo Nimco Sharif Muhumed (Sharaf) oo dadweynaha
u mahad celisay soona dhawaysay waxayna cod baahiyaha ku
soo dhaweysay Sheikh Mohamed Dheeg oo aayado Qur’aan
ah xaflaada ku furay.

Sheeka oo dadkii madasha yimid cabsida Alle
ku baraarujiyay ayaa dhanka kalana bahada Qorhaya Media
u hambalyeeyay kuna amaanay hawsha saxaafadeed ee aadka
u hufan ee ay guud ahaan umada Soomalaiyeed u hayaan gaar
ahaan shacabka dulman ee Ogaadeenya oo u baahan hiillo dhinac
walba ah saxaafadana baahi weyn u qaba isagoo sheekhu cadeeyay
in ay Warbaahinta QM.

Waxaa isna xaflaad hadal qiimo badan ka jeediyay
Gudoomiyaha Jaaliyada Soomalida Ogaadeenya ee Galbeedka
Australia Mudane Abwaan Kaldeeq Muuse oo si aad ah ugu hamablyeeyay
maamulka & hawlwadeenada QM kuna amaanay dadaalka joogtada
ah ee sida aadka ee Saxaafada QM looga dheehanayo.

Xaflada waxaa ka hadlay Mudane Dr. Ahmed Sheikh
M Dalmar oo ka mid ah waxgadarka &hogaaminta Jaaliyada
Soomalaida Ogaadeenya ee Perth, Dr. Dalmar wuxuuu si aad
ah ugu hamablyeeyay una bogaadiyay bahada QM wuxuuna tilmaamay
in ay warbaahinta QM tahay hoy looga adeego bulshada Ogaadeenya
xaqana u taagan oo si aan gaabsho lahayn shacabka Ogaadeenya
ugu hiiliya.
Intaas kadib waxaa codbaahiyaha lagu soo dhawaysay
Agaasimaha Qorahay Media Pacific-ga uqaabilsan Mudane Ahmed
Sheikh Adan (Ahiib) oo si aad ah dadweynihiii xaflada ka
soo qaybgalay ugu mahad celiyay, Mudane Ahiib wuxuu si aad
ah u faahfaahiyay ujeedadii xafladan loo qabtay wuxuuna
ka warbixiyay waxqabadka QM qabta Pasific-ga.

Waxaa xaflada ka qayb galay Afhayeenka Jabahdda
Waddaniga Xoraynta Ogaadeenya Mudane Abdiqadir Sh. Hassan
Hiirmooge (Caddani) oo si aan la qiyaasi karin bahada Qorahay
ugu hamablyeeyay, Mudane wuxuu xusay waxtarka ay QM shacabka
Ogaadeenya u leedahay & hiilka balaadhan ee hagar la’aanta
ah ee ay ilaa bilowgii la garab tagaantahay.

Mudane Caddani wuxuu aad ugu nuuxnuuxsaday
faa’iidooyinka ay QM shacabka Ogaadeenya & halganka
xaqa ah u leedahay sidoo kale wuxuu ifiyay in ay jiraan
maagcyo aan tayo laahyn oo saxaafad lagu sheego kuwaas oo
aan wax nacfi ah lahayn isagoo sheegay in ay QM aad kuwa
noocaas ah uga duwantahay kuna tilmamay in ay tahay saxaafad
hadafkii loo sameeyay si weyn ugu qotonta isla markaasna
aan xaqa & baadilka dhexdhexaad ka noqonin si cad oo
badheedh ahan u difaacda sharafta dadka Ogaadeenya &
guud ahaan qadiyada la xabaalay ee caalamka laga daboolay.

Mudane Caddani oo aad ugu dheeraaday sharaxaada
QM wuxuuna si weyn bahada QM ugu amaanay habka isu dheeli
tiran ee ay u shaqeeyaan isagoo carabka ku dhuftay in ay
QM kulansatay waxayaalo faro badan oo aysan saxaafada Soomaalida
badankeed lahayn.

Waxaayabaha uu Mudane Caddani QM ku amaanay
waxaa ka mid ah siiqada waadixa ah ee loo diyaariyo dhamaan
qoraalada& barnaamijyada ka baxa sida arimaha wacyigalinta,
kuwa diiniga ah, wararka, maqaalada, suugaanta & dhaqanka
oo uu sheegay in uu intaba QM kaga bogto, wuxuna intaas
raaciyay in QM ay tahay rugta lagu barbaariyo garaadka dhalinta
Soomalida Ogadeenya ee aan helin nasiibna u yeelanin in
ay dhulkooda hooyo ee Ogaadeenya si xor ah ugu noolaadaan
isla markaasna ay bartaan dhaqanka, deegaanka, khayraadka
& taariikhda guunka ah ee dhulka Ogaadeenya.

Mudane Caddani oo bahada QM si weyn ugu amaanay
dadaalka faraha baadan & firinfircoonida dheeriga ah
ee ay ku shaqeeyaan wuxuu kula dardaarmay in ay mesha aya
haatan eegga maarayan horay uga sii socdaan.

Waxaa isna codbaahiyaha lagu soo dhaweeyay
aas-aasihii Saxaafada QM unkay Mudane Mohamed Ibrahim oo
dadweynihi xaflada ka soo qayb galay si weyn ugu mahad celiyay,
Mudane Mohamed wuxuu si qoto dheer uga hadlay sababihii
ku kalifay in uu isagoon cidna la kaashanin ku dhaqaaqo
abuurida saxaafad uu mudo dheer kali ku ahaa duruufo kala
duwana uu u babac dhigo.

Mudana Mohamed wuxuu sharaaxaad dheer ka bixiyay
ujeedadii uu QM u aas-aasay & wixii ku kalifay wuxuuna
si aad ah u iftiimiyay marxaladihii kala duwanaa ee ay warbaahinta
QM soo martay wuxuuna tibaaxay sooyaalkii warbaahinta QM
oo uu sheegay in ay keentay baahida ay dadka Ogaadeenya
xiligaas u qabeen cid u diir naxda oo soo gudbisa dhibaatooyinka
baaxada culus ee gumaysiga Itoobiya uu mudada dheer ku hayay.

Aas-aasaha QM wuxuu ku nuuxnuuxsaday in ay
tahay warbaahin u taagan ka turjumida xaqiiqada & u
hiilinta shacabka Ogaadeenya wuxuuna intaas raaciyay in
aysan dhexdhexaad ka ahayn dulmiga & xaqa sidoo kale
wuxuu carabka ku adkeeyay in ay bahada QM ka go'antahay
in ay si aad ah ugu darbanaadaan hawlaha loogu hiilinayo
shacabka Ogaadeenya ee dulman ayna sii laban laabi doonaan
dadaalka dhan walba ah ee Warbaahinta QM laga dareemayo
mustaqbalka dhawna waxweyn lagu kordhin doono hadii uu Alle
idmo.

Mudane Mohamed wuxuu si aad ah ugu dheeraaday
hadafka QM & yoolka ay higsanayso oo ah in ay difaacdo
shacabka Ogaadeenya soona bandhigto tacadiyada kala duwan
ee gumaysiga Itoobiya uu sida joogtada ah bulshada Ogaadeenya
ugu gaysto.

Mudane Mohamed oo hadal dheer oo aad u qiimo
badan madasha ka jeediyay ayaa hamablyo & bogaadin aad
u culus u diray hawlawdeenada QM & dhamaan akhristeyaasha
sida joogtada ah ula socda talooyinka & fikradaha horu
marineedna la wadaaga wuxuuna ku booriyay in ay dadaalkooda
sii kobciyaan.
Waxaa isna maadsha ka hadlay Mudane Daa'uud
oo ka mid ah da'yarta qurbaha ku barbaartay waxana ku baratay
sida weyna ugu xidhan warbaahinta QM, Mudane Daa'uud wuxuu
soo bandhigay warbixin dheer oo luuqada English-ka ku baxaysay
kuna saabsanayd faa'iidooyinka & dhibaatooyinka ay saxaafadu
leedahay wuxuuna sheegay in uu mudo u kuur galayay isna
barbar dhigaya labadaas arimood.

Mudane Daa'uud wuxuu sheegay in uu mudooyinkii
uu baadhitaankaas waday ku taxnaa warbaahinta QM islamarkaasna
uu si weyn ula dhacay habka ay u shaqayso wuxuuna aad u
bogaadiya maamulka & hawlwadeenada QM oo uu ku booriyay
in ay dadaalkooda sii kordhiyaan.
Xafladan oo aan loo kala hadhin waxaa ka qayb
gashay Abwaanad Rooda Ibrahim A.Gurey (Afjanno) oo dadkii
munaasibadan soo qaban qaabiyay ka mid ahayd, Abwaanad Rooda
waxay ku dheeraatay ahamiyada balaadhan ee ay saxaafadu
guud ahaan aadamaha dunida ku nool u leedahay gaar ahaan
shacabka Ogaadeenya oo gumaysi ku raagay caalamkuna uusan
xog dhab ah ka haynin.

Abwaanada oo waayadan dambe horumarinta QM
si weyn uga qayb qaadanaysay ayaa sheegtay in saxaafada
faa'iidooyinka laga dhaxlo ay aad u badan yihiin waxayna
tusaale u soo qaadatay horumarka ay iyadu shaqsiyan ka gaadhay
habka saxaafada loola falgalo taas oo ay sheegatay in ay
tahay waxyaabaha ay QM ku guulaysatay, Abawanadu waxay sheegtay
in ay aad ugu faarxsantahay guud ahaan saxaafada shacabka
Ogaadeenya ka turjunta gaar ahaan QM oo ay sheegtay in ay
faa'iido & aqoon aad u balaadhan ka heshay taas oo ay
tilmaantay in ay QMna faa'iido u tahay ayna kamid tahay
dadka warbaahinta QM sida aadka ah uga hawlgala.

Dadweynihiii xaflada ka hadlay ayaa dhamaantood
bahada QM u hambalyeeyay kuna amaanay firin fircoonida daacadnimada
ku salaysan ee ay hawlaha ku geedi galinayaan waxaana laysla
qiray in ay warbaahinta QM tahay galad uu rabi shacabka
Ogaadeenya ku manaystay in la dhiiri galiyana mudan, waxyaalihii
ay dadka xaflada ka hadlay kamidaysnaayeen waxaa kamid ahaa
habka aklhaaqda ku dhisan ee ay Warbaahinta QM u shaqayso.

Waxaa maadsha shahaadooyin lagu gudoonsiiyay
qaar ka mid ah hawlwadeenada QM ee daafahadunida kala jooga
waxaana xusid mudan in ay QM markii ugu horaysay bixiso
shahaadooyin caalami ah waxaana shahaadada koobaad loo gartay
Mudane Hassan Abdullahi Sheikh Mohamed (Ustaad Hassan Arab)
oo ah qoraa Soomaaliyeed kana mid ah dadka uu damiirkoodu
kaamilka yahay marwalbana maskaxdiisa & qalinkiisa ugu
hiiliya guud ahaan umadda Soomaaliyeed meelkastoo ay joogaan.
Isku soo wadaduubo xafalda 13jirsashada QM
lagu maamuusayay laguna qabtayMaglaada Perth eexarunta Galbeedka
Australia ayaa jawi aad u farxad badan ku soo gabagabowday.
Qorahay Media
qorahay99@yahoo.com