Warsaxaafadeed ka soo baxay Dalladda Suxufiyiinta Qorahay Media.

Ururka Daladda Suxufiyiinta Qorahay Media oo Baaq ka soo saaray Axmed C/Raxmaan (Axmed Kaabe)

Dec 25, 2012

Ururka Daladda Suxufiyiinta Qorahay Media oo Baaq ka soo saaray Axmed C/Raxmaan (Axmed Kaabe) oo ah Wariye ku xadgudbaya Nadaamka Saxaafadeed. Warbaahintu waxaa ay noqotay, waxyaabaha ugu mihiimsan ee bulshada meel ku abuuran, uguna qaalisan ee ay dadku isticmaalana ama ay dhagaystaan ama akhristaan ama daawadaan, Taas oo ku yeelatay Ra'yul Caamka guud ee dadka ku dhaqan aduunyada saameyn balaadhan oo dhinacyo badan ah waxayna faa’iidadeeda & khasaaraheedaba la arkaan hadba sid loo adeegsadto.

Wadanka Itoobiya wuxuu ka mid yahay dalaka ugu cadaadiska badan xuriyadda saxaafadeed mana jirto warbaahin ka soo baxda Itoobiya oo si xor ah wax u tabinkarta iyada oo maamuladii kala duwanaa ee soo maray Itoobiya ay ka midaysnayeen.

Iyadda oo ay sidaas tahay ayaa Waxaa xafiis ka furtay TV Universal oo wariya u magacawaday ninka lagu magacaabo Axmed Kaabe oo ah shaqsi aan uba taba barayn ama aanba aqoon u lahay saxafigu waxa uu yahay & waxa looga baahanyahay, wuxuuna maalinwalba soo gudbiyaan wax aad looga noxo isaga oo marwalba soo bandhiga Barwaaqo, Beero baxaya, Dameergaadhi alaab ka qaaday Jigjiga oo meelkale oo Jigjiga ah ku dajiyay, Nabadgaliyo, Guula ay Itoobiya gaadhay isaga oo dhanka kale Ururka ONLF ku sheega shufto iwm.
Hadaba markaan mudo daraasaynayna dibna u baadhnay barnaamijyada uu TV Universal u soo tabiyo waxaa noo cadaatay in uu Axmed Kaabe ku xadgudbay nadaamka saxaafadeed oo ah nadaam ay aduunka oo dhan ka midaysan yihiin wuxuuna ku xadgudbay dhamaan xeerka saxaafadda anaga oo u hayna cadayno sida laaluushqaadasho, xisbi uu kamid yahay oo uu ugu xagliyo, beenbuurid, & xaqiiqada ka jirta Ogaadeenya oo uu sicad isaga indho tiro isagga oo aadan waligaa ka maqlaynin cadaadiska & tacadiyada joogtada ah ee ay Itoobiya ka wada guud ahaan Ogaadeenya oo laga mamnuucay saxaafad oo dhan.

Baaq:

• Waxaan dhamaan Saxaafadda caalamka ugu baaqaynaa in ay maxkamad caalami ah la soo taago Axmed Kaabe oo isku sheegay in uu suxufi yahay isaga oo si cad ugu xad-gudbaya nadaamka saxaafadeed.
• TV Universal waxaan umadda Soomaaliyeed meel ay jogaanba ugu baaqayna in ay kula xisaabtamaan ka ganacsiga dhiiga shacabka dulman ee ay duudsinayaa xaqooda ayaga oo dadka ay Itoobiya xidho ku sheegay in ay Jaamacad ku jiraan iwm.
• Waxaan saxaafadda Soomaaliyeed ee kale ugu baaqaynaa in ay iska ilaaliyaan wadadaas uu qaaday TV Universal.
• Wariyaasha caalamka & kuwa Soomaaliyeedba waxaan ugu baaqayna in ay tagaan oo ay galaan dhamaan Gobalada Ogaadeenya oo ay Itoobiya ka mamnuucday saxaafad oo dhan.

Cambaarayn:

• Ururka Daladda Suxufiyinta Qorahay Media wuxuu si kulul u Cambaaraynayaa Mulkiilaha & Shaqaalaha TV Universal oo sicad heshiis ula galay xukuumadda Itoobiya si ay u soo tabiyaan danaha & siyaadada Itoobiya ayaga oo dhinac ah.
• Waxaan si kulul u cabaaraynaynaa Axmed Kaabe oo soo gudbiya arimo aan sal & raad toona lahayn isaga oo si cad u xaqiraya una duudsinaya xaqa shacaba.

Dalladda Suxufiyiinta Qorahay Media
qolmedia@hotmail.com

________________________________________
Head-quartered in Nairobi Kenya Qorahay Media Journalist Group is an international non-profit organization that is dedicated to reporting from the Ogaden and in the horn of Africa in general.
Please contact us
Qolmedia@hotmail.com

********************************

 

   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online