Taariikhdu waa taxane aan duugoobin waa qalinkii Mustafe Ibraahim. Q1

Dec 25, 2012 (QOL) Warbaahinta Qorahay Media oo idiin soo bandhigta barnaamijyo kala duwan oo isugu jirta Taariikh, Suugaan, Dhaqan & Wararkii ugu dambeeyay ayaan halkan idiinku bilaabaynaa Barnaamij Taariikh ah taxanena ah oo ka hadlaya soojireen Taariikhda Ogaadeenya waxaana diyaariyay Mustafe Ibrahim, Hadaba ka wada faa'iidaysata wixii su'aal ama talo ahna waxaad u dirtaan qoraaga wuxuuna ku bilaabay.

1: HORDHAC:
Dareenka & fikirka manta badeeco ahaan la iibgaynayo ayaa ah moora-duugga taariikhda iyo sooyaalka taxane ee ku salaysnaa loollanka waligii dhex yiilay gobonimadoonka soomaalida Ogaadeeniya iyo dhul-ballaadhsiga gumaystayaashii isaga danbeeyey maamulka hagardaamo ,dibindabayo iyo gardaraysi ee ay hormuudka ka ahaayeen xulufada ku bahawday magaca Abbasiniya, sidaas darteed ayaan qalinka u qaatay Qoraalkan oo ku foorara warbxin aan ku eegayo iska caabintii Dhulbalaadhsiga Gumeysiga Abbysina iyo sida Shacabka Soomaalida Ogaadeeniya uga dhiidhiyeen ugana horyimadeen. Waxaan soo bandhigayaa warbixino iyo dhacdooyin xanuun badan oon ku qaada dhigayo xaalada guud ee Dhulka soomaalida Ogaadeeniya. Waa qoraal dheer oo aan ku eegayo Taariikh ahaan Maamuladii Gumeysiga Ethiopia ee soo maray Dhulka Soomaalida Ogaadeeniya iyo qaabka ay u cadaadin jireen. Waxaan si kooban oga warbixinayaa Maamulada soo maray Dhulkaas iyo ujeedada shaqo ee laga leeyahay!!!!.

Halbeegga aan higsanayo dartii, Waxaan si gooni ah faaf-reeb ugu samayn doonaa Nidaamka Foosha xun ee guumeysi, Xasuuqa loo geystay Shacabka Soomaalida Ogaadeeniya ee isugu jira Dilka, Dhaca, Kufsiga, Mudadii uu Taliska Guumeysiga Ethiopia hayay Melez Zenawi. Qoraalkan waxaan ku sharxidoonaa Maamulada Gobalada Soomaaliya dhibaatada ay ku hayaan Shacabka Soomaalida Ogaadeeniya ee u soo qaxa Goboladaas iyo iska horkeenka Dowlada Ethiopia ay isaga hor keenayso Shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay ku noolyihiinba. Gunaanad waxaa noqon doona heerka uu marayo halganka shacabka Soomaalida Ogaadeeniya iyo sida loo hormarinkaro.

2: Xaalada Soomaalida Ogaadeeniya!
Muran kama taagna in Dhulka Soomaalida Ogadenia uu abid ku sifaysnaa dhul iyo dad xor ah oo kamid ah dhulka baaxadda weyn ee Geeska Afrika ee Soomalidu ku dhaqantahay. Waa dhul taariikh dheer Hiddo iyo dhaqanba saameyn weyn ku leh sooyaalka Geeska Afrika gaar ahaan Ummadda Soomaaliyeed.

Kalfadhi-khiyaanoodkii Guumeystaha Ree Galbeedku isugu yimaadeen waddanka Germany 1884 –
1885 si ay u qaybsadaan dhulka Afrika ayaa waxa shirkaas isugu yimid dhamaanba wadamada haystay dhulka Afrika ee awoodana lahaa waqtigaas sida Britain, Germany, France, Portugal, Netherlands, Belgium kuwaas oo dhamaantood guumeysanayay dad iyo dhul afrikan ah. Shirkan waxaa kale oo lagu casuumay wadanka USA oo isagu wadanka Liberia xiisaynayay balse diiday innuu ka qayb nodo iyo Boqortooyada Abbysinia oo Dhulka soomaliyeed rabtay. Shirkaas sida wadamada Afrika Guumeystayaashu ugu qaybsadeen waxa sidoo kale dhulka Ummada Soomaliyeed loogu qeybiyay 5 Qeybood oo qeyb ka mid ahi tahay Dhulka Soomalida Ogaadeniya. Waxa Ogadeniya Qabsaday Guumeystayaasha Talyaani (Italy) iyo Ingiriis (Britain). Kadibna Ingiriiska ayaa Waxa uu ku wareejiyay Abbysinia. Guumeystaha Abbysinia waa Guumeystaha kaliya ee Madow ah ee Ka mid noqday Qaybsashada Dhul iyo Dad Afrikaan ah Shirkii Baarliin 1884.

Nuxurka ay aqoonyahanka soomaaliyeed ka gabi-dhacleeyaan ayaa ah is waydiinta ah “ Soomalida Ogaadeniya marna ma Ogolaadeen Guumeystihii Caddaa iyo Kan madow midna? Jawaabta qayaxan ayaa ah MAYA! Bal „e Waxa ay hormuud u noqdeen xoriyad-doonkii Soomaliyeed ee lagu kicinayay Guumeystaha Ingiriiska, Talyaaniga, iyo Xabashida. Waana taariikh ay wali carabka duqaydii joogtay ka qoyan yahay.

Haddii aynu qaaciddada guud ka dhiraandhirino waqtigii Guumeystaha Madow qabsaday dhulka Soomalida Ogadeniya kuna giijino waaqica manta, Waxa socdo dagaalo Xornimo doon oo lagu diidanyahay Guumysiga Abbysinia ee Kusoo duulay Soomalida dariska la ah. Waxaa kamid ah Dagaalki Daraawiishta, OLF-Nasrullaah, WSLF, Iyo ONLF oo hada waqtigan ka dagaalanta Ogadeniya. Sidoo kale waxa Dhulkan isku hardiyay Labada Dowladood ee Soomaliya iyo Ethiopia dagaalki Ogaden ee 1977.

Lasoco qaybta 2aad.

Qore: Mustafe Ibraahim
| Email: Somaligalbeed@yahoo.co.uk

   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online