Ciidamada gumaysiga ee nacabka ah oo dad shacab ah tuulaad Shenniile
ku xidhxidhay.
Dec 26, 2012 (QOL)
War gudaha Ogaadeenya goor dhaweyd naga
soo gaadhay ayaa sheegaya dad shacab ah oo Askarta bahaloobay
ee Tigreegu ay xabsi u taxaabeen, dadkan oo aan waxba galabsanin
waxaa lagu xidhxidhay Tuulada Shinniile oo Degmada Dhanaan
katirsan.
Wariye Darwiish Macalin oo ka mid ah hawlwadeenada
Qorahay Media ee gudaha Ogaadeenya ku sugan ayaa loo xaqiijiyay
xidhayga dadkaas oo tiradoodu dhantahay 7 ruux islamarkaasna
si aad ah loo waxyeelleeyay, dadlkan shacabka ah oo wax
dhibaato ah aan cidna u gaysanin ayuu xidhaygoodu ka mid
yahay xadgudubyada aan kala joogsiga lahayn ee shacabka
Ogaadeenya ay marwalba ciidamada naacabka ah ee Tigreega
kala kulmaan.
Sida uu ku warku tibaaxayo maalmo ka hor ayay
ciidanka Gumaysiga ee magaalada Dhaanan ku sugan waxay shacabka
deegaankaas ku amreen in ay keenaan ciidan la doonayo in
wiilasha Tigreega xabada looga dhigo arintaas ayaa la sheeagyaa
in aysan shacabku dhag jalaq u siinin qaarkoodna ay si cad
uga hor yimaadeen.
Gumaysiga daalan ee gabalkiisii sii dhacayo
ayaa ku fashilmay dagaalda uu kula jiro geesiyaasha Ciiddanka
Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya wuxuuna ku guuldaraystay isku
day walba oo uu ku talo galay in uu shacabka Ogaadeenya
ku nugleeyo halganka xaqa ah ee xorayta Ogaadeenya loogu
jirana uu kaga xidhiidh furo balse waxaa sii kordhaya guuldarada
gumaysiga & fashilka ku imanaya qorsheyoga shacabka
Ogaadeenya ka dhanka ah.
Hadaba dadka Shinniile lagu xidh xidhay waxay
kalayihiin.
1-Haadi Macalin Bashiir
2-Xassan Macalin Rashiid
3-Maxamed Xassan Kayd
4-Cabdullahi Maxamed Kaydsane
5-Rashiid Cabdullahi
6-Ilyaas oo aanan ina ayihiisa helin
& nin kale oo magiciisu uusan wali nasoo gaadhin.
Si kastaba ha ahaatee ciidanka mooraal jabsan
ee gumaysiga ayaa marwalba ku gadooda kana aar goosta dadka
nugulka ah ee aan hubaysnayn waxayna u gaystaan tacadiyo
aan la soo koobi karin, shacabka Ogaadeenya ee dulqaadka
badan ayaa u dhabar adayga waxyeellooyinka gumaysiga waana
sababta uu halganka Ogaadeenya marba marka ka damabysa kor
ugu sii kacayo.
Dadka shacabka ah ee Shinniile lagu xidhxidhay
& guud aahaan xaaladaha kala duwan ee Ogaadeenya wixii
ka soo kordha wararka dambe kaga bogo Insha Allah.
Darwiish Macalin
Qorahay Media
Ogaadeenya
qorahay99@yahoo.com
Contact:qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online