Dec 27, 2012 (QOL)
Madaxweynihii hore ee Koonfur Africa Mr
Nelson Mandela oo Xanaanadiisii uga soo dhamaatey Dhakhtarka
weynee Johannesburg. Warqad ay ku daabacantahay ''Mr. Nelson
Mandela Xanaanadiisa hoygiisuu ku wadanayaa Ilamaa caafimaad
taama lagu hubsado'' ayaa kasoo baxday Xafiiska Madaxtooyada.
Mr Nelson Mandela oo da'diisu tahay 94 ayaa la seexiyay
Dhakhtarka weynee ku yaala Johannesburg isagoo laga Daweynayo
xanuunka Samba-bada iyo TB'da. Waxaa kaloon Saxaafadaha
caalamka kasoo Xiganay in Marwada Mandela iyo Madaxweynaha
Koonfur africa Mr Zuma ay ku booqdeen dhakhtarka Daraad
ayna sheegeen in Caafimaadkiisu sii Wanaagsanaanayo.Mr Zuma
wuxuu ku daray Wareysigiisii in ay Dhakhaatiirku aad ugu
faraxsanyihiin Sida uu Madaxweynuhu uuga dadaalayo Caafimaadkiisa.
Waxaa
kaloo Madaxweynaha Koonfur Africa U mahad-celiyey Sidey
Shacabweynaha Koonfur Africa Tahniyadaha iyo Ducooyinka
uugu Soo gudbiyeen Halyeyga. Mr Mandela ayaa la sheegayaa
inuu intuu dhakhtarka ku jirey ka badantahay intii uu Xabsiga
ku xidhnaa 1990kii.
Hasayeeshee Wiilka uu awoowga u yahay Mandila ayaa isna
wareysigiisii ku daray inuu aad uuga xunyahay in Awoowgii
la dabaal dagi waayey Qaraabadiisa Maalinta Christmaska
ayna ahayd Murugada ugu weynee Qaraabadiisa soo maraan.
Mr Mandela oo ah Ninka aduunka uugu taarikhda weyn. Hadana
ahaa South Africa's First Black President lagasoo Bilaabo
1994 Ilamaa 1999 Shacabweynaha Koonfur Afrikana ku Tilmaamaan
Halyeyga Qariiradda Koonfur Afrikaad.ayaa Cudurkiisa wal-wal
iyo Murugo ku abuurtey Dhamaan Shacabweynaha Koonfur Afrika.
Isku soo wada duuboo Suxuufiyiinta oo sheegay In aragtida
Mr Mandela uugu Danbeysey 2010 WORLD CUPkii.
Axmed Halgan
Qorahay Media
Australia