Wafdi kasocda Dowlada dhexe ee Soomaaliya oo maanta soo gaadhay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Dec 27, 2012 (QOL) Wararka aan ka helayno Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya inay Maanta Giroonka Magaaladaasi soo cago dhigteen labo Diyaaradood oo sidda Wafdi balaadhan oo ay Hogaamiyaan Wasiiro kamid ah Xukuumada Soomaaliya kana soo kicitimay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Soomaaliya.

Wasiiradan lasocday Wafdigan Maanta soo gaadhay Magaalada Kismaayo oo ay kamid ahaayeen Wasiirka Gaashaandhiga C/kariim Xaaji Maxamuud Fiqi, Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka C/xakiim Xuseen Guuleed, Wasiirka Warfaafinta Isgaadhsiinta boostada iyo Dalxiiska C/laahi Ciilmooge Xirsi oo ay weheliyaan wasiiro kuxigeeno iyo Saraakiil Ciidan oo uu kamid yahay Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed General C/qaadir Cali Diini ayaa waxaa Giroonka Magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay Maamulka KMG ah ee haatan ka jira Magaaladaasi Kismaayo waxayna Salaan Sharaf ka qaateen Cutubyo kamid ah Ciidamada Soomaaliya ee Giroonka kusugnaa kadibna waxaa lasheegayaa in loosii galbiyay gudaha Magaalada halkaas oo ay kulamo gooni gooni ah kula qaadan doonaan qaybaha kala duwan ee Magaalada Kismaayo sida Maamulka, Odayaasha dhaqanka, iyo Ururada bulshada.

Isku soo wada Uruuriyoo Wafdigan Maanta Magaalada Kismaayo yimid ayaa ugu dambayn lagu wadaa inay booqdaan Dekeda Magaalada iyo goobo kale oo muhiim ah.

Waxii kasoo kordha dib ayaan kasoo gudbin doonaa hadii alle idmo.

Noor Mohamed
Qorahay Media

   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online