Dec 27, 2012 (QOL)
Warbaahinta Qorahay Media oo ah warbaahin
mudo dheer u soo shaqaynaysay dhamaan bulshadda Soomaaliyeed
guud ahaan gaar ahaan shacabka Ogaadeenya oo ah shacab ku
jiran
cabudhin
saxaafadeed waxaana gabi ahaanba jirin warbaahin ka soo
waranta si xor ah waxayna Ciidanka Gumaysiga Itoobya xadhig
& jidhdil u gaystaa shacabka Ogaadeenya.
Hadaba Warbaahinta Qorahay Media oo mudo 13
sano ah ka soo waramaysay ayaan maanta waxaa nasiib u ah
in ay ka soo tabin doonto barnaamijyo isugu jira maqal &
muqaalba oo ay idiinka soo gudbin doonto gudaha Ogaadeenya
arintaas oo ay soo diyaarin donaan wariyaasha Qorahay ee
gudaha Ogaadeenya anaga oo inta karaankanaga ah idiin balan
qaadayno sidii aan ugu saari lahayn cabudhinta saxaafadeed
ee ay ku jirto Ogaadeenya taas oo laga mamnuucay in si xor
ah Ogaadeenya warar looga soo tabiyo.
Barnaamijkan hoos ka muuqada ayaa ah Barnaamijkii
ugu horeeyay ee aan idiinka soo diyaarino maanta gudaha
Ogaadeenya kuwaas oo muqaalka aad ka arkaysaan Ciidanka
Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya oo u hambalyaynaya dhamaan
Hawl-wadeenada Qorahay Media sida ay wakhtigooda u galinayaa
ayaga oo diyaar u ah in dhamaan dhacdooyinka dhabta ka soo
tabin donaan gudaha Ogaadeenya.
Waxaan idin leenahay ha ka fogaanina Qorahay
Media
Darwiish Macalin
Qorahay Media
Ogaadeenya