Dec 28, 2012 (QOL)
Muxaadara Diini ah oo cawa Salaadii Maqrib
ilaa iyo cisha socotay ayaa waxa ay ka dhacaday Musaajidka
SALAMA ee ku yaalo Xaafada Somalida ku badan tahay ee Bellville
Cape town ee wadanka South africa

Muxaadaradan Diiniga ah ayaa waxa soo jeedinayay sheikh
Maxamed Cabdi Yaasiin (Diirane) oo ah Hogaanka Abaabulka
& Arimaha Bulshada ONLF-JWXO oo hada in mda ah ku sugan
wadanka South Africa hadaba Muxadarda diiniga ah aya Ciwaan
keedu waxa uu ahaa “Alwalaa Wal`balaa Hadaba sheeka
ayaa waxa uu ku dheeraday qudbadiisa diiniga aheyd ee ku
salaysnayd Alwalaa Wal`balaa & Jihaadka qofka muslimka
ah marka uu wajib ku yahay iyo marka uu san waajib u aheyn
Shaqsiga ahaanta Hadaba Qudbadan diiniga aheyd oo aad u
dheerayd ayaa waxa ay u badnayd mowduuca kor ku xusan oo
ah Alwalaa Wal`balaa Sheikh Maxamed cabdi yaasiin “Diirne”
ayaa waxa uu ka soo sheekeeyay Dhibka ay u soo mareen asxaabtii
& Rasuulkena suban CSW Diinteenan suuban Hadaba Sheikha
ayaa ka hadlay Dhibaatada Muslimiinta Caalamka haysato Gaar
ahaan Mida Somalida haysato waxa uuna sheikhu ka dhawaajiyay
Dhibka ina haysto hadanahay Somali waxa ay tahay Wixii alla
nafaray iyo kudayashadii Nabigeena Maxamed CSW Ayaan ka
leexanay waxa ana aan maraynaa heer

Magaca Somalinimo laga cararo Hadaba Shikha oo anan muxadaradiisan
aad ka u dheereey anan halkan ku soo kooobi Karin Dad ka
Musaajidka jogayna aad u badnaayeen dhamaantoodna aad ugu
riyaqen muxaadaradan Diiniga ah ee ka hadlayso xalada dhabta
ah, ayaa markii ay dhamaatay Muxaadarada waxa loo gudbay
Su aalo Shaqsi walba oo Somali ah oo Misaajidka fadhiyay
uu sheikhu u sheegay in uu diyaar u yahay in su aal walba
uu uga jawaabo dhamaan dad ka muxaadarada ka soo qayb galay
Sheikh Diirane oo hadalka sii wato ayaa si kaftan ah waxa
uu u dhahay waxa aan maqlay in Culuma Qaarkood su aala aad
waraqaha ku qartaan ay qariyaan qarka sahlana ay ka jawaab
laakiin se aniga cawa waxa aan diyaar idiin la ahay in shaqsi
walba inti istaago codkiisa uu igu soo gudbiya su aasha
uu qabo asaga oo aan la xishoonaynin anigana anan la labanaynin
oo aan uga jawabi doono si diini ah.
Hadaba dad aad u fara badan ayaa su aalihii ay qabeen u
gudbiyay si xor ah oo shaqsiga su aasha wato iyo Sheikh
Diirane aan loo kala dhaxaynin hadaba su aalihii ayaa badan
kood waxa ay u badnaayeen Ogadenia jihaadka ka jiro xaq
miyaa iyo xaq ma ahan Sheikhuna waxa uu ugu jawaabay shaqsi
walba oo muslim ah ayuu waajib ku yahay Dagaalka ka socdo
Gudaha Ogadenia Maxaa yeelay Dhulka Ogadenia waa lagu soo
duulaye ee shacabka Ogadenia kuma aysan duulin Dhul aysan
lahayn hadaba shaqsi walba oo muslim ah waxa uu ku yahay
waajib ayuu sheikhu ugu jawaabay hadaba su aalaha iyo jawabahaba
halkan kuma soo koobi karno qoraal ahaan laakiin se dhamaan
dad ka su aalaha dhiibtay oo dhan ayaa dhamaantood ay ku
wada qanceen jawaabta uu sheikh uga jawabay su aalihii oo
dhan isku so wada duuboo Salaadii maqrib ilaa iyo salaadii
cishaha oo ku beegnayd 9:45Pm sacada
South Africa ayaa sheikhu soo gabagabayay muxaadaradiisii
diiniga aheyd Hadaba Muxaadaradan oo Maqal & Muuqaal
ah diba ayaan iidin kaga soo gudbin doonaa haduu alla idmo
Oogle Yare
Qorahay Media
Cape town, South Africa