Dec 28, 2012 (QOL)
Ugu horeyn akhyaarta daadihisa barnaamijyada
quruxda badan ee Qorahay Media aadbaan idiin salaamayaa
kadib waxaan aad u jeclaysatay muuqalka quruxda badan eed
gudihii Ogadenya ka soo duubten daqiiqad kastana waxaan
fiirinya inaad wax horleh soo galiseen Computerkana kama
dul dhamaanayo ilaaa indhahaygu ku qabowsadaan Naftood Hurayaasha
aad noo soo duubteen eed soo wadaan.
Pleas
noo soo galiya aan aragno daawano niyadana ku dajino soo
ma jeedsadayaasha Jabahdda Waddaniga Xoreynta Ogagadenya,
waxaa xaqiiq ah in baadilku dhamaan xaquna uu baaqi noqon
waxaanan ku rajo waynahay inaan mar ciidaydii hooyo dib
ugu laabto kana baxo noloshan silica ah ee taala qurbaha
anoo sharaf iyo cisi lehna aan Caado iyo Wardher mushaaxi
doono anigoon Ilahay mooye bani aadam wax cabsi ah ka qabin.
Hadaan iskiin baro anigu waxaan ka mid ahay
agoonta JWXO magacayguna waa Guuled Aliflle wuxuuna abahay
u shihiiday xoraynta Ogadenya isagoo JWXO ka mid ahaa, Alle
ha u naxariistee aabahay xiliga uu shihiiday da’’daydu
way yarayd lakin hadii aan wakhti isla qaadan lahayn wajigiisa
wan xasuusan lahaa balse duruufaha faraha badan ee halganka
Ogadenya lagu xoreynayo ku xeeran awgood waxaa suurtoobi
weyday in aan aabahay wajigiisa arko si aan muuqaalkiisii
u xusuusto.
In kasta oon xaaladaas aad u dareemo saamayn
weyna ay ugu yeelatay hadana waxaan ogahay in ay jiraan
agoomo, rajooyin, hooyooyin gablamay iyo kuwo walaallo waayay
intaba sidoo kale waxaan kalsooni buuxda ku qabaa cududa
iyo tayada Ciiddanka Waddaniga Xoreynta Ogadenya iyo madaxda
sharafta badan ee hogaaminaysa waxaanan si aad ah ugu niyad
samahay in aan mar arki doono natiijadii agoonimada iyo
qaxoontinimada.
Markale bahada Qorahay Media aadbaan idiinku
mahad celinayaa waxaanan idinka codsanayaa in aad dadaal
badan galisaan guud ahaan halganka saxaafadeed eed ku jirtaan
gaar ahaan wararka iyo muuqaalada gudaha Ogadenya waanan
rajaynayaa in aydaan waxba hagran doonin Allahna waxaan
kabaryayaa in uu idiin dhibyareeyo hawsha aadhaysaan .
By Ibnu Aliflle