Jaaliyada Soomaalida Ogaadeenya ee Dammam oo shirkeedii labo todobaad laha ahaa maanta isugu timid

Dec 28, 2012 (QOL) Saudi Arabia (Dammam) waxaa maanta shirkii labaddii todobaadba mar la qaban jirey isusgu yimid Jaaliyada Soomaalida Ogadeeniya ee magaalada Dammam, shirkan oo gaar ahaan lagu qabtey xaafada Soomaalidu u badan tahay ee Togba ayaa waxaa ka soo qayb galay xubnaha Maamulka, hawlwadeenada iyo taageerayaasha Jaaliyada.

Shirkan oo lagaga tashado arimaha halgan iyo kaalinta Jaaliyadu kaga jirto ayaa lagaga dooday hawlaha Jaaliyada hor yaala iyo qorshaha sannadkan cusub ee bilaaban doona waxayna dadkii shirkaas ka hadlay ku nuuxnuuxsadeen sidii loo laban laabi lahaa wax qabadkooda iyo siddii sannadkan qorshe dhaxal gal ah loola imaan lahaa.

Shirka waxaa si gaar ah diirada loogu saaray siddii hawlaha halganka laysugu xidhi lahaa gude iyo dibadba,
dhinaca kale waxaa goobtii shirka laga soo jeediyey aqoon isweydaarsi iyo fikir is dhaafsasho ku saabsan xaalada siyaasadeed ee Geeska Africa ka taagan taas oo ay aqdiyada Ogadeeniya ugu horayso.

Ugu dambeyn waxaa la gudoonsaday in qofkastaa kaalintiisa buuxiyo dhexdana marada lagu xidho ilaa inta gumaysiga iyoadeegayaashiias guud ahaan ciidda Ogaadeniya laga sifeynayo guusha kama dambaysta ahana lagaadhayo.

Ali Yare
Qorahay Media
Dammam, Saudi Arabia.
qorahay99@yahoo.com

 

   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online