Dec 28, 2012 (QOL)
Xerada Dhagaxley ee dagaanka Dhadhaab waxaa
manta si weyn looga xussay 13 guuradii ka soo wareegtay
aas aaskii Qorahay Media, xafladdan oo ay ka soo qeyb galeen
dhamaan qeybaha uu ka kooban yahay Faraca Midnimo oo Jaaliyada
Ogaadeenya ee Bariga Afrika ka mid ah.
Xaflada
waxaa si aan kala hadh lahayn uga soo qayb galay Ururka
OYSU ururka hooyooyinka, ururka culimaa’u ddiinka
iyo marti sharaf kale oo aad u tira badan, xafladda oo bilaabatay
abaare 8:30 daqiiqo waxaa lagu billabay wacdi diini ah waxaana
xigay qudbado kala duwan oo ay halkaas ka soo jeediyeen
marti sharaftii madasha ka hadashay kuwaas oo dhamaantood
hanbalyo u soo jeediyey Qorahay Media.

Kadib markey soo gaba gabowday qeybtii koobaad
ee xaflada ayaa waxaa madasha suugaan ka turjumeysa dadaalka
ay Qorahay Media mudadii ay jirtay waddey iyo qaar lagu
dhiiri galinayo intaba ku soo bandhigay kooxda Hillaac oo
ah dhallin da’yar ah oo qeyb weyn kaga jira sare u
qaadida suugaanta, hidaha iyo dhaqanka Soomalida Ogaadenya
gaar ahaan suugaan halgameed si weyn mar walba loola dhaco.

Kooxda Hilaacwaxay soo bandhigeen heeso iyo
ciyaaro ay intaba u sameeyeen Qorahay Media waxaana la soo
afmeeray kulanka oo xiiso badnaa abaare 10:00 galabnimo,
xafaladdii manta oo dhameys tiran oo muuqaal waxaad kala
socon doontaan Idaacada Radio Qorahay sidoo kale sawirro
dheeraadah oo xafladaas muujinaya waxaad kaga bagan doontaan
wararkeena dambe haddii Alle idmo.
Daljir Keyd
Qorahay Media
Dhadhab, Kenya
qorahay99@yahoo.com