CWXO oo meelo Gobolka Jarar ka mid ah ciidamada gumaysiga ku weeraray baabuurna ka gubay.

Dec 28, 2012 (QOL) Wararka gudaha Ogaadeenya laga helayo waxay sheegayaan dagaallo ay Ciiddanka Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya maxaysatada gumaysiga Tigreega ku qaadeen, dagaaladaas oo si hufan loo qorsheeyay waxaa ugu dambeeyay weerar balaadhan oo ay CWXO ku qaadeen ciidan Tigree ah oo marayay Meesha loo yaqaano Higloleey oo Gobolka Jarar ka mid ah Magaalada Dhagaxbuurna aan ka fogyan.

Dagaalkaas oo cadowga khasaare balaadhani ka soo gaadhay waxaa lagu gubay hal baabuur oo ah nooca ciidamada qaada ee Uuraalka loo yaqaano, sida ay wararku sheegayaan ciidankii baabuurkaas saaraa wax fayoobi kaga baxay majiro.

Weerar kale oo aad u xoog badnaa ayay CWXO ku qaadeen ciidanka cadowga oo ku sugnaa duleedka Magaalada Gunagado, weerarkaas oo si aad ah gumaysiga loogu wiiqay waxaa ku dhintay saraakiil & askar faro badan oo uu ku jiro ninkii gacantiisa ku fuliyay xasuuqii Magaalada Gunagado dad shacab ah loogu gaystay.

Xasuuqaas waxaa lagu dilay dhawr & sodon ruux oo shacab ah oo aan wax dambi ah haba yaraadee galin, dadkii uu ninkaasi xasuuqay waxay ka koobnaayeen bulshada qaybaheeda kala duwan.

Hadaba CWXO waxay ka dhabaynayaan balankii ay shacabka Ogaadeenya lagaleen waxayna ka difaacayaan ciidamada gumaysiga ee hororka ah & dhidid dhawrkooda maanku doorsoomay ee gumaadka shacabka Ogaadeenya loo carbiyay waxayna goobkasta oo shacabka Ogaadeenya lagu waxyeelleeyo si sugan uga fulinayaan weeraro ay ugu aarayaan shacabka Ogaadeenya.

Dagaalda cadowga lagu jabiyay & guud ahaan Ogaadeenya wixii ka soo kordha Qorahay Media kala soco Insha Allah

Darwiish Macalin
Qorahay Media
Ogadeenya
qorahay99@yahoo.com

   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online