Dec 30, (2012 (QOL)
Ururka Dhalinta & Ardayda Soomaalida Ogaadeenya ee loo
yaqaano OYSU ayaa maanta isugu yimid Baaga weyn ee ku yaala
xaafadda Nallamara kaas oo ay ka soo qaybgaleen Jaaliyadda
Ogaadeenya qaybaheeda kala duwan waxaana kamid ahaa dhalinta
day'arta ah Hooyooyinka Odayaasha & Dhamaan qaybaha
ay Jaaliyadu ka kooban.

Waxay Dhalintu halkaas ku soo bandhigeen Barnaamij
ay ugu magac dareen Cun oo Caawi kaas oo dhamaan dadkii
Baaga isugu yimid ay ku gadanayeen Cunta aad u macaan oo
loogu tala galay in qofku isaga oo gadanaya hadana uu sadaqaysanayo
taas oo ay dhamaan dadkii meesha isugu yimid aad ugu wada
faraxsanaayeen waxayna Jaaliyadu u soo dhaweysay barnaamija
aadka u wanaagsan ee ay dhalintu soo bandhigtay ayaga oo
halkaas ay isku arkeen dhamaan Jaaliyadda qaybaheeda kala
duwan waxaana barnaamijka la bilaabay xili gaaban qoraxda
oo aad u kululeed.
Jaaliyadda Ogaadeenya & dhamaan dadkii
ka soo qaybgalay ayaa dhalinta ku adkeeyay in ay sii wadaan
barnamijka oo ah mid laba faa'iido leh waada hore isu imaatinka
oo ah mid farxad weyn huwan & adiga oo cunto gadanaya
hadana caawimaad tahay waxaana dhalinta si weyn loogu dhiira
galiyay in ay halkaas ka sii wadaan baraamijka qiimaha badan
ee ay Baaga weyn ee ku yaala badhtanka Nallamara kaas oo
loo wada bogay.

Dhanka kale waxaa halkaas ciyaaro kala duwan
ku camirtay dhalintii da'yarta aheyd ee Baaga isugu yimid
ayaga oo aad u ciyaarayay oo dhamaan waalidiintii meesha
yimid ku wada faraxsanayeen ayaga oo ilma walba iskii u
daalay kuna arkay dad badan oo Jaaliyadda ah.
Waxaa halkaas lagu wada tukaday salaadii Casarka
& Maqribkii ayaga oo xili dambe laga soo dareeray goobtii
farxadda badnayd ee Jaaliyadu isku timid waxaana amaan &
gubaabo lusoo jeediyay Maamulka Ururka OYSU oo amaabulka
& qorshahanba lahaa ayaga oo ujeedadii ay lahaayeen
gaadhay balan qaadayna in ay sii wadayaan Barnaamijka marar
kala duwan qaban donaa.

Si kastaba waxaa guul weyn u ah dhamaan Jaaliyadda
Ogaadeenya oo si weyn u dhistay ururka dhalinta oo kaalintooda
maanta qaatay ayaga oo barnaamijyo kala duwan kawada guud
ahaan Waddamada Pacifica gaar ahaan dalka Australia oo si
weyn looga dareemayo wax qabadka Jaaliyaadka Ogaadeenya
& sida ay marwalba u xasuustaan dalkooda Hooyo oo ah
dal lagumaysato oo marwalba ka soo yeedhaysa tacadiyada
joogtada ah ee ay Askarta Wayaanugu ka wadaan Ogaadeenya.



Qorahay Media
Perth, Australia
qorahay99@yahoo.com