Dec 30, (2012 (QOL)
Waxaa shalay xili casar gaabadkii ah baabuur Ciidan oo ahaa
nooca loo yaqaano Uraal lagu gubay wadada isku xidha Dhagaxbuur
& Dhagaxmadood kaas oo gabi ahanba basbeelay.

Baabuurka oo gabi ahaanba wixii saraa gubteen
ayaa la sheegaya in uu ka soobaxay dhanka Dhagaxmadoow una
sii jeeday magaalada Dhagaxbuur waxana jidka u galay Ciidanka
Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya oo la socday in uu ka soo
baxay dhanka Dhagaxmadoow waxaana halkaas lagu gubay baabuurkii
Ciidanka & ciidankii saraa.
CWXO & Askarta Gumaysiga Itoobiya ayaa
ka dhexeeya dagaal aad u balaadhan kaas oo ah dagaal gobanimo
doon oo shacabka Ogaadeenya go'steen in ay iska xoreyaan
oo ay iska dulnqadeen heeryada gumaysiga ee muda dheer soo
dulsaraa.
Darwiish Macalin
Qorahay Media
Ogaadeenya
qorahay99@yahoo.com