Xusni Mubaarak oo xaaladiisa caafimaad aad looga deyrinayo.

Dec 30, (2012 (QOL) Madaxweynihii hore ee wadanka massar maxamed xusni mubaarak ayaa la sheegayaa inuu marayo wax lagu tilmaamay saacado adag oo aan laga sheekeyn Karin marka la eego xaaaladiisa caafimaad.

Ilo ku dhaw dhaw qoyska mubaarak ayaa laga soo xigtey inuu sakaraadku qaad qaadayo uuna ku sugan yahay qolka lagu dabiibo dadka xaaladoodu culustahay ee ispitalka mucaadiya la yidhaahdo ee millitry-ga massar iska leeyahay.

Mubarak ayaa khamiistii hore la galiyey qeybta gaarka ah ee ispitalka isagoo laga soo saaray xabsiga durra oo uu ku xidhnaa waxaana la tilmaamayaa inay xaaladdisa caafimaad aad usii xumaatay isla markaana uu marayo sida ay u egtahay daqiiqadihii u danbeeyey ee noloshiisa.

Dhakhaatiirta ayaa laga soo xigtey in mubaarak uu ka xanuunsanayo xabadka isla markaana sanbabadiisu aaney si wanaagsan haatan u shaqeyneyn uuna aad u hashkadeynayey maalmihii la soo dhaafay kadib markuu asbuuc ka hor ku kufay gudaha xamaamka uu adeegsanyey isla markaana uu kooma galay.

Si kastaba ha ahaatee waxaa aad looga deyrinayaa caafimaadka madaxweynihii hore ee maser waxaanuna isha ku heynaa wararka is daba yaaca ah ee laga soo tabnayo xaaladiisa caafimaad annagoo mar walba soo tabin doono xogta ugu danbeysa ee ku saabsan arrintaas.

Daljir Keyd
Qorahay Media Kenya
qorahay99@yahoo.com

   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online