Dabaal dagga Australia ee sannadka cusub oo lagu wado in si weyn loogu soo bandhigi doono magaalada Sydney.

Dec 31, (2012 (QOL) Magaalada Sydney ee wadanka Australia ayaa si weyn ugu diyaar garoobeysa dabbaal dagga xuska sannadka cusub waxeyna soo bandhigi doontaa bandhig aan hore loo arag sida laga sheegay warbaahinta dalkaas.

Dabbaal daggan ayaa ah mid looga daawan doono TV,yada adduunka oo dhan si toos ah waxaana la qaban doonaa habeenka ciidda kirismiska ee sannadka cusub ee milaadiga.

Xuskan ayaa noqon doona sida la sheegayo kii abid ugu weynaa ee dunida soo mara ee loogu dabbaal dagayo sannadka cusub iyadoo la tilmaamayo inuu ka ballaadhnaan doono xusaska lagu qaban doono London iyo Paris in ka badan laba jibaar.

Iyadoo loo diyaar garoobayo dabbaal daggan ayaa waxaa la dhigay buundad ee laga galo dakkadda iyo waliba gudaha badda in ka badan todoba tan oo walxaha iftiinka bixiya ee loo yaqaaano buula leydhka ee loo adeegsado bandhigyada si ay u iftiimiyaan hawada sare ee magaalada Sydney habeenka kala waregga

Duqa magaalada Sydney gabadha lagu magac aabo Clover ayaa sheegtay inuu bandhigganu yahay mid ay daawan doonaan dad ka badan hal milyaar oo qof oo ay hal milyan badh kamid ah ka daawan doonaaan gudaha magaalda Sydney.

Bandhiggan ayaa lagu wadaa in la qabto daqiiqadaha ugu horeeya ee sannadka cusub wuxuuna socon doonaa qadar 12daqiiqo ah oo xidhiidh ah wuxuuna billaaban doonaa sagaalka galabnimo ee waqtiga Sydney oo ku began 10ka waqtiga GMT

Waxaa socda diyaar garow ah sidii loo sii qabsan lahaa booosaska si loogu helo fursad bandhigaas taariikhiga ah

Daljir Keyd
Qorahay Media Kenya
qorahay99@yahoo.com

   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online