SHIRKII MIDNIMO INSHAA ALLAH MID MIRO DHALA

Dec 31, (2012 (QOL) Mahad oo dhan Allah ayeey u sugnaatay-Naxariis iyo nabadgelyo Suubane Rasuulkeena Muxamed CSW korkiisa,sharaf iyo karaamo gobanimo iyo asal taariikheed ku fadhiya midnimada tiirka adag ku qotonta waa astaanta qoomiyadda Reer Maakhir.

http://youtu.be/rrPb_keQzhc

Marka koowaad waxaan halkan amaan,bogaadiin iyo hambalyo-ba uga soo gudbinaayaa gudigii qaban-qaabidda shirweynihii Jaaliyadda Maakhir UK London ka dhacay Dec-22-2012 habkii qiimaha weyn lahaa
soo diyaarinta iyo hab maamuuskii milgo gobeedka ku fadhiyeey oo looga soo qeyb galay iyadoo ergooyinku mudnaan gaar ah siinayeen ahamiyada shirka iyo ujeedada danta guud ku saleeysan ka dameeysay
Maasha Allah, sidoo kale waxaa amaan weyn mudan gudoonkii shirka iyo habkii farsamo wanaaga ee xiriirinta iyo dood qeybinta.

http://youtu.be/I25HkpPMej0

Sidoo kale waxaa shirka xamaasad iyo qiiro wadaniyadeed geliyeey Abwaanka weyn C/Qaadir Bidhiidh oo hab xikmad,xeel dheerid,xaqiiqo sheegid iyo aftahan-nimo hibo Eebe ah ku soo bandhigay tix taabatay
damiirka,dareenka iyo garashadda ka qeyb-galayaashii reer maakhir oo madashada sharafta laheyd fadhiyeey(Rag iyo Dumarba)kuna tibaaxay qiimaha dhulka,karaamadda ummadda,ahamiyada midnimadda,xilka
weyn iyo masuuliyadda dhulkii iyo dadkiiba mudan yihiin iyo Sawirka dhaliilaha runta oo jira oo xanuunkooda leh(My Walaal-Abwaan C/Qaadir

Mahadsanid) waxaa qiimahooda lahaa khudbadaha iyo tallooyinka lahaa nuxurka weyn kana duulaayeey ahamiyadda midnimada,wax-qabadka iyo in dhulka hooyo lama hudhaan yahay hiil weyna u baahan yahay,erayada iyo tallooyinka wax ku oolka ah in ficil ahaan loo rago loo baahan yahay.

Gunaanadka qormaddan kooban waxaan ku adkeeynaayaa guud ahaanba ka qeyb galayaashii shirkaas midnimo iyo Jaaliyadda Reer Maakhir UK in eey ka dhabeeyaan balantii qiiradii,dareenka iyo damiirkii niyad samida
lahaana wax qabadkiisa la arko eeyna noqdaan kuwo lagu doogsado iyo kuwo midhahooda inshaa Allah waqti dhowr la gurto(Abtiyaal Guuleeysta Awoowayaal Liibana,Habaryaro Weligiinba Milgo Gobeed iyo sharaf),

Maakhir waa Dulkeeygii Dadkuna dhammaantood Ehelkay,Ehelkay Jira,

(Alloow Xafid-Aamiin,Aamiin,Aamiin).
-Qorre-Ustaad-Xassan C/Laahi Sh.Maxamed(Xassan Carab).
-sharifhassan50@hotmail.co.uk
-Dec-30-2012.

 

   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online