Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya oo ka dalbaday xukuumadda Soomaaliya in ay soo gudbiyaan tirada ciidamada Soomaaliya

Dec 31, (2012 (QOL) Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya oo ka dalbaday xukuumadda Soomaaliya
in ay soo gudbiyaan tirada ciidamada Soomaaliya

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamanaka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay in wasaaradda maaliyadda soomaaliya ay ka doonayaan in ay soo gudbiyaan tirada ciidamada dolwadda soomaaliya si loo ogaado wasaaradda gaashaandhiga soomaaliya loona xisaabiyo lacagaha ay
kubaxaya tirada ciidamada dowladda Soomaaliya.

Mahad Cawad ayaa sheegay in xilligan miisaaniyadda uu dhawaan ansixiyay baarlamaanka soomaaliya ay wali tahay mid aan cadayn tirada ciidamada Soomaaliya iyo sidoo kale shaqaalaha rayadka dowladdda
Soomaaliya si looga xisaabtamo shaqaalaha dowladda inta ay dhanyihiin iyo heerka aqoonta ay gaarsiisantahay iyada oo lagu dabaqayo dhaqaalaha ay helayaan.

Hadalkan kasoo baxay gudoonka baarlamaanka soomaaliya ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo maalintii shalay baarlamaanka soomaaliya uu meelmariyya miisaaniyadda dowladda soomaaliya.

QorahayMedia
qorahay@yahoo.com

 

   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online